WorldRemitAds

Sida ay ku warantay jariirada maalinlaha ugu soo baxda dalka Sucuudiga Ee Al Xayaat, boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa noqotay dalka shaqaalaha iyo ardaydiisu helaan maalmaha fasaxyada ugu badan dunida, waxaana sida jariiradu sheegtay maalmaha fasaxa laga yahay shaqada iyo waxbarashada ee dalkaas tiradoodu dhan tahay 59-maalmood.

Qiyaastan ayaa noqonaysa labo bilood oo ka mid ah sanadka, oo waliba aanay ku jirin, fasaxyada todobaadka ee Jimcaha oo kale ka mid yahay, waxa kale oo jariiradu sheegtay in marka lagu daro, shan iyo tobanka maalmood ee uu qofka shaqaaluhu xaqa u leeyahay inuu xanuun iyo duruufo awgood u maqnaan karo, ay isla noqonayso sagaashan maalmood ama afar meeleed meel ka mid ah wakhtiga guud ee sanadka.

Sucuudiga iyo FasaxyadaJariirada ayaa is barbar dhig ku samaysay, maalmaha faraxyada rasmiga ah ee dalka Sucuudiga iyo Japan, taas oo natiijadeedu tahay mid aad u kala fog, sababtoo ah? Dalka Japan maalmaha fasaxa ee sanadku guud ahaan waa sagaal cisho oo kaliya.

SomlegalAds

Waana sababta dadka ku dhaqan dalka Japan ay u noqdeen kuwa ugu shaqada badan uguna kartida sareeya, guud ahaan dunida.

Waddamada kale ee dunida intooda badan, sida Maraykanka iyo dalal badan oo reer galbeed, carab iyo afrikaan leh, maalmaha fasaxyada rasmiga ah ee sanadku waa 11 ilaa 13 maalmood, waana sida inta badan dunidu ka siman tahay.

Iyadoo tiradaa badan ee maalmaha fasaxyada rasmiga ah ee dalka Sucuudigu awalba xad dhaaf ahaayeen, ayaa sida jariiradu sheegtay ay sii kordhinayaan, maalmaha roobku da’ayo, oo sida ay jariiradu ku warantay, uu dhawaan wasiirka waxbarashada dalka Sucuudigu amray in la fasaxo dugsiyada oo dhan.

Wasiirka ayaa sababta uu go’aankan u qaatay ku sababeeyay, roobabka mahiigaanada ah ee muddooyinkii ugu danbeeyay dalkaas ka da’ayay, oo daaddadka ka soo rogmadaa inta badan xidhaan jidadka iyo isu socodka, mararka qaarkoodna isu badala kuwo waddooyinka gooya oo dhimasho iyo dhibaatooyin ka dhacaan.

Warbixintan dheer ayay jariiradu ku sheegtay in waxbarashada iyo nidaamkii loogu talo galay, wax wayni iska badali doono, hoos u dhacna ku iman doono, ardayda jecel inay waxbartaan, sababtoo ah? Maalmaha ay ka maqnaan karaan dugsiyada iyo goobahooda waxbarasho oo aad u tiro badan doona.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.