WorldRemitAds
Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa haweenka shaqaalaha dawlada iyo kuwa shirkadaha ka hawl gala ee sida khaldan ugu labista xijaabka ama aan buuxin shuruudaha asturnaanta ku soo rogtay ganaax lacageed oo ilaa 5-kun riyaal gaadhsiisan sida ay ku warantay jariirada Al-Hayat ee dalka Sucuudiga ka soo baxda.

Sida jariiradan ka soo baxda Sucuudi Carabiya sheegtay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa dhamaan xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee shaqaalaha haweenka ahi ka hawl galaan ku dhejisay warqado digniin ah, kuwaas oo far aad u waaweyn qoraalkooda lagu soo daabacay.
Sucuudiga Waxaana halku dhegyadan digniinta ah lagu sheegay in meherada ama xafiiska dumarka ka shaqeeyaa, khilaafaan shuruudaha u degsan xijaabka iyo asturnaanta lagu ganaaxi doono shan kun oo riyaal, taas oo haddii ay mar kale dhacdana xadhig iyo ganaax la isugu dari doono.
Wasaarada ayaa awaamiirtan ku tilmaantay kuwo si buuxda fulintooda looga doonayo shaqaalaha iyo goobaha ay ka hawl galaan labadaba.
Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalka Sucuudiga oo si gaar ah uga hawl gasha, ilaalinta edaabta iyo dhaqanka shaqaalaha dalkaas, waxa ay hore u kala saartay raga iyo dumarka oo ma jiro xafiis ay ku wada shaqayn karaan ama ay isku meel wada fadhiisan karaan, waxaana xarun kasta oo haween ka shaqeeyaan si gaar ah, loogu sameeya xafiisyo iyo qaybo u gaar ah.
Waxaana masuuliyiin ka tirsan wasaaradu ay jariirada u sheegeen in xad gudubyo badan ay ka arkeen dumarka ka hawl gala xafiisyada, kuwaas oo inta badan si khaldan u xidha xijaabka, meelna kaga dhaca asturnaanta, taas oo meel ka dhac ku ah qawaaniinta dalkaas ee shareecada diinta Islaamka ku dhisan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.