WorldRemitAds

Dunida Islaamka ayaa walaac wayn ka muujiyay, ka baaqashada Masar, Sucuudi Arabiya Iyo Imaaratka Carabta ay kaga maqnaadeen, shirka gargaarka Magaalada Barakaysan ee Qudus ee shirwaynaha ururka Islaamka ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka qabsoomay maalintii shalay.

Shirkan oo ahaa mid uu ku baaqay madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan, oo ka dhiidhiyay go’aankii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump Magaalada barakaysan ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuuda, isla markaana uu ku amray in safaarada dalkiisa ee magaalada Tel Aviv loo raro Magaalada Qudus.

Shirweynaha dawlada Islaamka ah oo la aasaasay sanadkii 1967-kii, markii Yuhuudi xag jir ahi uu gubay qaybo ka mid ah, Masaajidka barakaysan ee Qudus, ayaa ahaa mid awood badan oo saamayn ku leh dunida, intii uu noola boqorkii hore ee dalka Sucuudi Arabiya Boqor Faysal Bin Cabdi Casiis.

SomlegalAds

Hasa yeeshee xaalada ururkaas iyo ururo badan oo jaamacada carabta iyo golaha Iskaashiga Khaliijku ku sugan yihiin, xiligan ayaa ah kuwo bur bur iyo fashil qarka u saaran, awoodoodi ay dunida ku lahaayeen iyo saamayntoodina dhamaatay.

Haddaba ka maqnaashaha Sucuudi Arabiya iyo Masar ayaa tumaati ku noqday ururka dunida Islaamka, waxaanay si kordhisay shakigii laga qabay ee xogo qarsoodi ah oo hore warbaahinta reer Galbeedku u baahisay, tibaaxayeen oo ahaa in Sucuudigu ogolaaday in Qudus lagu wareejiyo Yuhuuda.

Masar oo ah waddanka doorka ugu wayn ka qaata nabad galyada bariga dhexe iyo qadiyada Falastiiniyiinta ayaan isna laga filayn, inuu shirkan lagaga hadlayo ama loo qabtay gar gaarka Magaalada barakaysan ee Qudus.

Waxa kale oo xoogaystay shakiga laga qabo in Sucuudigu danaynayo ama ay ka go’an tahay qorshihiisa heshiiskii qarniga loogu magaca daray ee uu doonayo inuu la galo dalka Israel kaas oo sida la sheegay ah ka sababta u noqday, in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhiirado go’aankiisa uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Sucuudiga oo markii Donald Trump booqashada ku imanayay dalkooda isu keenay 57-ka xubnood ee ururka Islaamka xubnaha ka ah, oo kaliya Iiran ka maqnayd ayaa aad looga yaabay sababta uu uga baaqday ka qayb galka kulanka shalay ee lagaga tashanayay ujeedadii urrurka shirweynaha dunida Islaamka loo aasaaday oo ahayd ilaalinta magaalada Barakaysan ee Qudus.

Waxa kale oo layaab noqotay sababta uu Boqorka Sucuudiga oo isku magacaaba adeegaha xaramaynka Barakaysani uga maqnaaday, shir loogu gargaarayo mid ka mid ah xaramaynada ama masaajidada barakaysan ee Islaamka.

Waxa kale oo su’aalo badan la iska waydiinay doorkii culimada Mad-habta Wahaabiyada ee Sucuudigu taageero oo khilaafadyada, dunida islaamka dhexdooda degdeg uga hadla ugana qabta muxaadarooyin tiro badan iyo kulamo lagaga arinsanayo oo aan ilaa wali ka hadal go’aanka Donald Trump Qudus ugu aqoonsayo caasimadda Israel, culimada Wahaabiyada ayaa lagu yaqaana ka hadalka arrimaha khilaafaadka ah ee Muslimiinta u dhexeeya,  gaar ahaan waxyaabaha boqortooyada Sucuudigu ka soo hor jeedo, waxaana xusid mudan in tobanaan Fatwo ay ka soo saareen, ururka Ikhwaanul Muslimiin, Iiraan, Xisbullah iyo waxyaabo boqortooyadu ka soo hor jeedo.

Halka aanay ilaa wali wax hadal ah ka odhan, xitaa canbaarayna ha ahaatee xaalada Qudus iyo go’aanka Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yuhuuda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.