WorldRemitAds

Sucuudiga: Waxa si rasmi ah dalka Sucuudi Arabiya uga dhaqan galay sharci cusub oo mamnuucaya in sigaarka iyo shiishada lagu cabo goobaha dadku isugu yimaadaan, sida maqaaxiyaha, hudheelada, suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee dalkaas.

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalkaas ayaa soo saartay amar gabi ahaanba ka mamnuucaya in goobaha dadku isugu yimaadaan ee lagu kulmo lagu qiijiyo, tubaakada noocyadeeda kala duwan, haday ku tahay sigaar ama badeecada.

Sucuudiga Oo Ku Biiray Waddamada Goobaha Dadku Ku Kulmaan Qiijinta Sigaarka Laga MamnuucayDhinaca kale wasaarada caafimaadka ee dalkaas ayaa iyaduna baahisay dhaqan galka amar si buuxda u mamnuucaya in lagu cabo sigaarka iyo badeecada dhamaan goobaaha faras magaalayaasha ah, gaadiidka dhexdooda, jidadka iyo meel kasta oo ay suura gal tahay in dadku mari karaan.

SomlegalAds

Waxaanay wasaarada caafimaadku diiday, qayb ka mid ah amarka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha oo hudheelada iyo maqaaxiyaha ugu baaqaya in ay u sameeyaan qolal u gaar ah oo lagu cabo sigaarka, waxaanay wasaarada caafimaadku sheegtay in gabi ahaanba aan loo baahnayn in sigaarka iyo tubaakada la qiijiyo.

Sucuudi Arabiya ayaa noqonaysa dalkii ugu danbeeyay ee mamnuuca in lagu qiijiyo sigaarka goobaha lagu kulmo, waxaanay ku biiraysaa dalal tira badan oo hore u mamnuucay qiijinta tubaakada ee goobaha lagu kulmo ama dadku isugu yimaadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.