WorldRemitAds

Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa shaaca ka qaaday, hadiyadii ugu qaalisanayd inay siinayso kabtanka xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska Maxamed Salaax, waxaana warka ku saabsan hadiyada Sucuudigu ugu talo galay Laacibka reer Masar ee Maxamed Salaax ku dhawaaqay, Maayar ku xigeenka Magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama.

Maayar ku xigeenka Maka Al Mukarama Fahad Ruqi ayaa warbaahinta dalka Sucuudiga u sheegay hadiyad qaali ah oo laacibka Maxamed Salaax ay siinayaan, waxaanu isagoo ka hadlaya uu yidhi, “Waxaanu laacibka Maxamed Salaax hadiyad u siinaynaa, dhul ku yaala bugcada ugu qaalisan adduunka guudkeeda oo ku yaala magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama.” Ayuu yidhi Fahad Ruqi.

SomlegalAds

Dhulkan Sucuudigu hadiyada u siiyay laacibka Maxamed Salaax ayaa sida Maayar ku xigeenka Magalaada Barakaysan ee Maka Al Mukarama Fahad Roqi sheegay, si buuxda loo siin doonaa Kabtan Maxamed Salaax, kaas oo haddii uu doonayo dhisan kara oo ku manaafacad san kara, haddii aanu doonayn inuu dhistana ay u furan tahay inuu waqfi ula baxo oo masaajid ama cusbitaal looga dhiso, lacagta ku baxaysana boqortooyadu bixin doonto, laakiin magaciisa yeelan doona.

Maayar ku xigeenka Caasimada Barakaysan ee Maka Al Mukarama, Fahad Roqi ayaa sheegay in boqortooyada Sucuudigu go’aan ku gaadhay, inay dhulka ugu barakada badan uguna qaalisan aduunka ay hadiyad u siiso laacibkan mucjisada ah Maxamed Salaax oo ku guulaystay laacibka ugu wanaagsan wareega ciyaaraha Ingiriiska.

Maxamed Salaax ayaa 41-gool dhaliyay, 13-gool oo kalana isagu dhigay, lix iyo afartan ciyaarood oo uu wareegan socda ka qayb galay, waxaanu ku guulaystay in loo aqoonsado laacibka ugu wanaagsan wareega ciyaaraha Ingiriiska.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa si wayn u amaantay laacibkan, kuna tilmaantay mid hormood iyo ku dayasho u noqon kara, muslimiinta ku nool waddamada reer galbeedka oo dhan gaar ahaana kuwa dalka Ingiriska ku dhaqan.

Waxa kale oo bayaanka boqortooyada Sucuudiga lagu sheegay in Maxamed Salaax uu ku sifoobay akhlaaq wanaag iyo karti badnaan, taas oo wax badan u taraysa Muslimiinta ku dhaqan Ingiriiska oo sawirkii khaldanaa ee in badan oo ka mid ah bulshada Ingiriisku ka fahamsanayeen meesha ka saaraysa, horseedna u noqon karta in dad badani sababtiisa ay muslimiinta iyo diintooda u jeclaadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.