WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland July 14, 2019 (Saxafi) – Wararka aan ka helay xalay dalka Sucuudiga ayaa tilmaamay in la roggay xoolo ka dhoofay Dekedda Berbera oo lagu hakiyay dalkaas, ka dib markii Dawladda Somalia dacwad ka gudbisay.

Joojintii Hore

SomlegalAds

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay xaqiijisay in uu jiro Markab Dekedda Berbera ee Somaliland xoolo ka qaaday oo dawladu Sucuudigu hakisay, islamarkaana ka dalbatay inay keenaan qoraal Somalia ah.

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi, ayaa xaqiijiyay in dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xannibay Markab siday xoolo.  “Markabkaasi wuxuu ku tagay dalab ka yimid bangigii Islaamiga ahaa ee xilliga moosimka Xajka xoolaha qaadan jiray iyo ganacsadii Carabta oo tidhi Markabka ha la soo daayo waxaanu ku tagay damaanad ay bixiyeen oo ah in Markabkaa la dejinayo,” ayuu yidhi wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi.

Be the first to know – Follow us on [wp-svg-icons icon=”twitter-3″ wrap=”i”] @Saxafi

Waxa uu intaasi raaciyay in markii Soomaaliya ogaatay in afar habeen ka hor Markabkani ka tagay Berbera ay wefti u dirtay Sucuudiga si loo waydiiyo warqad caafimaad oo Federaalka ah waxaanu sheegay in Markabkan oo dhanka Sucuudiga iyo waaxdiisa caafimaadku fasaxday ay Soomaaliya keentay arrinta ah in warqad la waydiiyo.

Waxa uu kuma macneeyay arrintan dagaal ganacsi iyo siyaasadeed oo Soomaaliya kaga soo horjeedo nolosha bulshada Somaliland.

Waxa uu sheegay in wasiirrada Somaliland, Madaxweynaha iyo ganacsatadu shir ay yeesheen isla qaateen in aan sinaba lagu ogolaan in Soomaaliya warqad caafimaad oo ay bixisay ay xoolaha Somaliland ku dhoofaan.

Haddaba, dedaal dheer oo ay sameeyeen ganacsataddii Carbeed, Bankiga Islaamka ee hawshan qaabilsan iyo muwaadiniin isu tagay oo reer Somaliland ah, ka dib waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo dawladda Sucuudiga inay caafimaad qabaan Xoolluhu, Islamarkaana aanay waxba ka jirin wararka lagu shaki geliyay ee marka hore lagu hakiyay.

Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqadda Caafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekedda Berbera.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.