WorldRemitAds
Warbixin sanadeedka wasaarada arrimaha dibada Maraykanku ku soo bandhigto, hadiyadaha Madaxweynaha iyo qoyskiisa waddamada dunidu siiyaan, ayaa dhawaan la shaaciyay, waxaanay wasaaradu warbixinteeda kaga warantay noocyada hadiyadaha kala duwan ee dunidu ku maamuustay qoyska Madaxweynaha Maraykanka.

Sida wasaarada arrimaha dibada Maraykanku ku warantay, waxa madaxweynaha Maraykanka iyo Xaaskiisa, sanadkii hore ee dhamaaday, hadiyadihii dunidu siisay qiimahoodu gaadhayay hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo dollar, waxaana ugu horeeyay uguna sakhisanaa boqotooyada Sucuudi Arabiya.
Sida sharciga hadiyadaha la siiyo hawl wadeenada xukuumada Federaalka dalka Maraykanka oo Madaxweynuhu ugu horeeyo, maaha mid ay qaadan karaan, oo waxa si toos ah ay ugu dhacdaa khasnada guud ee hantida qaranka.
HadiyadahaIn kasta oo qofka ku dhega ee jeclaysta ay suura gal u tahay inuu qaadan karo, haddana sida uu sharcigu dhigayo, muwaadin kasta oo magaca shaqadiisa hadiyad ku mutaystaa, waa inuu qasnada hantida guud ee qaranka siiya, gacmahana uu ka laabto inuu qaato, waxaanay taas macnaheedu ka dhigan tahay in sharafta shaqaalaha dawligu ku xidhan tahay, hadba sida uu hadiyadaha qaadashadooda uga fogaado.
Aynu u soo noqono, hadiyadihii kala duwanaa ee dunidu siisay Madaxweyne Obama iyo qoyskiisa, kuwaas oo dalka Sucuudigu boqolkiiba sideetan ka mid ah uu isagu hadiyad u siiyay.
Boqorkii geeriyooday ee Sucuudiga boqor Cabdalle Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud ayaa isagu, xaaska Madaxweyne Obama ee Michelle hadiyad u siiyay, shuuliyo dahab ah oo 1-milyan oo dollar qiimahoodu gaadhayo.
Boqorka Jaziirada Brunei, ayaa isna Madaxweyne Obama hadiyad ugu soo diray, Kildhi Dahab ah, kaas oo muuqaalkiisu shinbirka Badriiqa oo kale u samaysan yahay, waxaanu qiimihiisu yahay sida shabakada Amazon ee suuqa internet-ka dunida ugu wayni sheegtay, sideed boqol oo kun oo dollar.
Dalka Malaysia ayaa iyaguna hadiyadoodi Obama ay siiyeen ahayd seef xadiid iyo maar ka samaysan oo aad u qurux badan, taas oo qiimaheedu noqonayo sideed kun oo dollar.
Dalka Ireland ayaa hadiyadoodi Madaxweyne Obama ay siiyeen ahayd sanbiil khudaar kala duwan oo dalkaasi caan ku yahay ka buuxdo, burcadka xoolahooda laga saaro iyo waxyaabo alaab dhaqameedka dalkooda ah, taas oo aan qiimahooda la garan karayn.
Boqortooyada Ingriiska ayaa hadiyad qaali ah ay boqoradu si gaar ah u siisay xaaska Madaxweyne Obama ee Michelle iyo labadeeda hablood, waxaanay boqoradu sheegtay in hadiyadaas ay u diri doonto, marka ay xukunka ka degaan si ay mulkiyadooda gaar ah ugu noqoto, waana qaab dhaqameed ay boqoradu hadiyadeeda u bixiyo, si ay qofka u gaadho.
Laakiin Amiirka labaad ee dhaxal sugaha dalka Ingiriiska William ayaa isagu hadiyad ahaan madaxweynaha Maraykanka u siiyay, sawir gacmeed Madaxweyne Obama oo gacanta lagu sawiray ah, kaas oo sida la sheegay lacagtiisu kun doolar aanay ka badnayn.
Sucuudiga ayaa boqorka cusub ee imika qabsaday Amir Salman aanu wax hadiyad ah, haba yaraatee wali u soo dirin madaxweyne Obama, waxaanu tan iyo intii uu xukunka dhaxlay Madaxweynaha u soo diray oo qudha fariimo, Kitaab Quraanka Kariimka ah iyo Tusbax.
Sida la sheegayna qorshaha uguma jirto boqorka cusub ee Sucuudigu inuu hadiyado qaali ah oo danbe bixiyo, laakiin wasaarada khaarajiga Maraykanku waxay si wayn amaan ugu jeedisay dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo ay sheegtay in xidhiidhka ugu qotada dheer bariga dhexe ay la leeyihiin, waxa kale oo ay sheegtay in hadiyado malaayiin dollar iyo ka badan qiimahoodu yahay uu Madaxweyne Obama laftiisu siiyay madaxdii kala duwanayd ee dunida.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.