WorldRemitAds

Suxufiyad u dhalatay dalka Masar oo cunsuriyadii ugu xumayd lagula kacay, loona diiday inay ka soo baxdo, telefishan ay ka shaqaynaysay oo ku yaala dalka Masar, ayaa cadho uga tacabirtay dalkeedi ka dibna iska dhiibtay dalka Jarmalka halkaas oo markii ay muddo ku sugnayd midabkeeda Yusuriga ah awgeed shaqooyin dhawr  ah kaga heshay.

Suxufiyadan oo lagu magacaabo, Wafaa El-Badri, waxa ay ku dhalatay degaanka Saciid al Masr, waana gabadh madow dhalaal midabkeedu yahay, quruxna Alle (SW) u dhaliyay, laakiin quruxdeeda iyo kartideeda shaqo, labaduba ay dalkeeda hooyo ee Masar ku qiimo jabeen, ayna kala kulantay midab kala sooci ugu xumaa.

Qalanjadan quruxda badan ayuu maareeyihii telefishankii ay ka shaqayn jirtay ee dalka Masar u diiday inay warka akhrido, isla markaana ay ka baahin karto barnaamijiyada iyo wax kasta oo ka baxaya telefishanka.

SomlegalAds

Markii ay u tagtay ee ay waydiisay sababtana waxa uu ugu jawaabay, wajigaagu kuma haboona in shaashada uu ka soo baxo, ee waxaad shaqo ka raadsataa idaacada aan lagaa arkayn ee codkaaga oo kaliya laga maqlayo.

Wafaa El-Badri ayaa sida ay sheegtay dareentay midab takoorkii ugu xumaa ee loo cadeeyo si badheedh ahna loogu sheego, waxa ay taasi ku riday niyad jab, sababtoo ah? Ma jirto cid ka saraysa oo ay uga ashkatoon kartaa.

Laga bilaabo wakhtigaasna waxa ay go’aansatay inay u safarto dalka Jarmalka halkaas oo ay ka heshay, waxbarasho, kooxo warfidiyeeno ah oo dalka Jarmalka ka hawl galaa u qal qaaliyeen, markii ay muddo ku jirtay waxbarashadeeda, meelna ay iska dhigtay shaqadii saxaafada iyo telefishanada.

Wafaa sida ay warbaahinta u sheegtay ay la soo xidhiidheen, wakaalado warareed oo kala duwan, kuwaas oo waydiiyay inay la shaqayn karto oo ay diyaar u tahay? Waxaanay uga warantay, wixii saxaafada ka qabsaday iyo sida ay cuqdada uga qaaday.

Laakiin taasi kama joojin ee waxay ka codsadeen inay shaqayso, waxaaan qaadatay wakaalada wararka Jarmalka ee “Deutsche Welle”, ka dibna waxa qandaraas iyaguna la galay shirkad kale oo xayaysiisyada qaabilsan.

Wakhti kooban gudihii ayay Wafaa El-Bardi dalka Jarmalka gudihiisa kaga noqotay qof caan ah oo la wada yaqaano kana mid ah dadka daawashadooda iyo shaqadooda loogu jecel yahay, waxa kale oo ay canbaar iyo ceeb ku noqotay midab takoorka ka jira dalka Masar.

Sidoo kale Maareeyihii telefishanka ee shaqada u diiday ayaa noqday mid isna dadka oo dhami la wada coloobaan oo meel walba lagu soo hadal qaado, warbaahinta oo dhamina faalooyin ay ka qorto, laguna tilmaansado nin khalad ka fahmay warbaahinta iyo ujadadeeda dhabbta ah ee looga dan leeyahay.

Canbaaraynta maareeyahan ayaa gaadhay ilaa heer warbaahinta qaarkood fariin toos ah hawada u mariyaan, uguna baaqaan inuu shaqada iska casilo raali gelina ka bixiyo go’aankiisaa cunsuriyada ah ee uu gabadhan yar kula kacay.

Mid ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee dalka Jarmalka ayaa maareeyahaas ku tilmaantay nin shaqadiisu ku fiicnayd meelaha haweenka jidhkooda ka ganacsadaa ka hawl galaan, sababtoo ah? Waxa uu isku khalday ayay tidhi, in warbaahintu warka iibiso iyo inay haweenka quruxdooda dadka ku kasbato.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.