WorldRemitAds

Waddamo badan oo ka mid ah dunida Islaamka gaar ahaana dalalka carabta waxa si wayn looga isticmaala, madfaca Ramadanta kaas oo sida eedaanka Salaada Makhrib ee aynu ku afurno oo kale loo sugo, caadana ka ah dunida Islaamka meelo badan oo ka mid ah.

In kasta oo sida diintu inoo sheegtay qof kasta oo muslim ahi afuri karo marka gabalku dhaco, oo aanay ku xidhnayn Eedaan iyo Madfac toona, haddana waxa sune la isla qaatay oo waliba culimadu sune wanaagsan ku tilmaantay ah, ogaysiiska dadka lagu war gelinayo in la gaadhay gabal dhicii oo dadku afuri karaan.

Sida taariikhda lagu hayo madfaca afurka ayaa soo baxay xiliyadii aanay cod baahiyayaasha makarafoonada loo yaqaana, aanay dunida ka jirin, gaar ahaan qarnigii sagaalaad ee taariikhda hijriga xiligaas oo magaalooyinku si wayn u fideen eedaanka Masaajidkana sida loo wada maqli karaa ku adkaatay dadka.

SomlegalAds

Meeshii ugu horaysay ee laga isticmaalo ayaa sida taariikhda lagu hayo ahayd magaalada Qaahira, oo iyadu ka mid ahayd ilaa iyo walina ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dunida Islaamka iyo carabta labadaba.

Cidii ugu horaysay ee isticmaashay Madfaca Ramadanta ayaa la sheegay in ay ahaayeen Cusmaaniyiintii, oo iyagu ahaa cidii ugu horaysay ee ikhtiraacay baaruuda iyo waxyaabaha qarxa dunida, waxaana meeshii ugu horaysay loo malaynayaa in ay magaalada Istanbul ahayd, hasa yeeshee halkii uu sida wayn uga faafay dadkuna sida eedaanka Makhrib aynu imika ugu xisaabtano oo kale ay uga barteen ahayd Magaalada Qaahira ee caasimadda u ah dalka Masar.

Salaadiintii boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee sameeyay xafiiska arrimaha diinta iyo Awqaafta, kaas oo masuuliyadiisu ahayd ilaalinta shacaa’irta islaamiga ah, sida xiliyada salaadaha, Ramadanka iyo wakhtiyada kale ee ciidaha Islaamiga ah.

Ilaalinta taariikhda Hijriga ayaa iyaduna ka mid ahayd arrimihii xafiiskaasi qaban jiray, kaas oo ilaa wali dunida islaamku ku dhaqanto, awqaaftuna u qaabilsan tahay arrimaha diinta iyo fatwada.

Sida taariikh yahanadu sheegeen markii uu hirgalay xafiiskaasi ayay culimadii iyo khubaradii ka shaqaynayay, ikhtiraaceen Madfaca dadka lagu ogaysiiyo in xiligii afurku gaadhay, kaas oo si wayn oo deg deg ah dadkuna ula qabsaday, ka dibna ku biiray caadooyinka lagu dhaqmo bisha barakaysan ee Ramadan.

Waddamada Khaliijka carabta ee xiligan ugu hodansan dunida Islaamka oo iyagu ka mid ahaa meelaha ugu hooseeya nolol ahaan dunida, ayaa iyagu xiliyo danbe uu madfaca Ramadantu soo gaadhay, waxaana sida la sheegay ugu horeeyay dalka Ciraaq marka laga tago, waddamada Yemen iyo Kuwait kuwaas oo iyagu bilaabay 1800 markii taariikhda Milaadigu ahayd.

Isku soo wada duubo madfaca ogaysiiska in la gaadhay xiligii afurka ee laga isticmaalo meelo badan oo dunida islaamka ah, waxa uu ku bilaabmay hab mucjiso lagu tilmaami karo, waxaanu sababay in ogaysiinta afurka iyo suxuurtu yeeshaan qaab dadka lagu gaadhsiiyo, dedaalkaas oo ugu danbayntii sababay in codbaahiyayasha masaajidada ee aynu imika ku ogaano in salaadii gaadhay soo gaba gabeeyeen.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.