WorldRemitAds

Waxa magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysia markii ugu horaysay ka dhaqan galay gaadiidka magaalooyinka dhexdooda iyo safarada gaagaaban loo adeegsado ee Tagaasida oo haweenka u gaar ah, taas oo ka danbaysay ka dib markii dalkaas laga hir galiyay basas iyo tareeno haweenka u gaar ah.

Talaabadan oo ay hirgalisay wasaarada horumarinta Qoyska iyo Arrimaha bulshada ee dalkaasi ayaa lagu bilaabay konton tagsi oo dhamaan dirawalo ay ka yihiin Dumar, kuwaas oo nambarada lagala soo xidhiidhayo iyo meelaha laga heli karo, muddo dheer laga xayaysiinayay dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Qorshahan ayaa bilaabmay dhawr sanadood ka hor, hasa yeeshee sanadkan aynu ku jirno ee 2017-ka ayuu si fiican uga hir galay dalka Malaysia, waxaanay tagaasida haweenka u gaarka ah ee dalkaas ka hawl galaa gaadheen ilaa afar boqol oo tagsi.

SomlegalAds

Tagaasidan Haweenka u gaarka ah ayaa ujeedada ka danbaysa lagu sheegay inay tahay sidii haweenka looga badbaadin lahaa, kufsiga iyo dhibaatooyinka lagula kaco marka ay adeegsanayaan gaadiidka caadiga ah ee ka dhex shaqeeya caasimadda dalkaas ee Kuala Lumpur.

Wasiirka arrimaha qoyska iyo horumarinta bulshada ee dalkaas, Saaya Kayi oo la hadashay labada wargeys ee dalkaas ugu afka dheer oo lagu kala magacaabo “The Star”  iyo “New Straits Times.” Ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan oo marar kala duwan la soo dersay haweenku ay keentay in loo sameeyo gaadiid u gaar ah oo haweenka oo kaliya u shaqeeya isla markaana wadayaashoodu wada yihiin haween kaliya.

Wasiirkan ayaa hore u qaaday talaabooyin dumarka iyo dhibaatooyinka la soo dersa wax lagaga qabanayo, waxaanay hore magaalooyinka dalkaas uga suura galisay tareeno iyo basas ka hawl gala ama u gaar ah dumarka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay inay rejaynayso in kufsiga iyo tuugadii loo gaysan jiray haweenku ay halkaa ku dhamaato oo aanay dib u dhicin, waxa kale oo ay ka warantay in talaabooyinkii hore ee basaska u gaarka ah iyo tareenada haweenka oo kaliyii isticmaalaan ay aad u yaraysay kufsigii iyo tuugadii lagula kici jiray dumarka.

Dalka Malaysia waxa uu ka mid yahay wadamadda Islaamka ah ee haweenayda loo ogol yahay ama xoriyada u haysato inay safri karto iyadoo aan Muxramkeedu la socon, waxaanay taasi abuurtay in mararka qaarkood ay dumarku ku dhacaan gacmo aan u arxamayn oo ay ku timaado Kufsi iyo dhac loo gaysto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.