WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 01, 2018 (Saxafi) – Majaladda Namibia Economist oo falanqeysa arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa baahisay shalay warbixin Jamhuuriyadda Somaliland lagu ammaanay Tahriibintii Harimacadka iyo xukunkii maxkamadda degmadda Hargeysa ay ku riday 27kii bishan laba nin oo  si sharci darro  ah dalka uga dhoofinayey lix Hari-macad.

Siday soo werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Warbaahinta Namibia Economist waxay sheegtay in  Jamhuuriyadda Somaliland ay  qalinka ku duugtay  xeerarka daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta isla markaana ay ayiday shan qaraar  oo caalamiya oo uu ka mid yahay xeerka ilaalinta duurjoogta Afrika.

SomlegalAds

Majaladda Namibia Economist waxay intaas ku dartay in Somaliland oo ah dal rubuc qarnigii la soo dhaafay madax-bannaanaa oo ku yaalla  bariga Afrika ay maxkamad xukuntay   eedaysaneyaal laga soo  xidhay  5tii Bishan degaanka Ceel-sheekh.

Warkan waxa kaloo lagu sheegay in lixdaas Hari-macad ay  jireen    saddex illaa  toddoba bilood,  iyadoo xukuumadda Somaliland  xiligan ka  xanaanaynayso tamar darradii  soo foodsaartay  muddadii sida sharci darrada ah  loo haystay.

Warbixintu waxay xaqiijisay in ururka Sanduuqa daryeelka Hari-macadka (Cheetah Conservation Fund) oo xaruntiisu tahay waddanka Namibia ay iskaashi wada shaqeyneed oo la xidhiidha ilaalinta Hari-macadka ay la leeyihiin dawlado iyo ururada maxaliga ah ee dalalka bariga Afrika. Agaasimaha fulinta ururkaas  Dr Laurie Marker, ayaa bayaamiyey  inay walaac weyn ka qabaan ugaadhsiga  Harimacadka  ee ka jira  waddamada Bariga Afrika, waxaanu  Somaliland ku bogaadiyey  maxkamadda la saaray dadkii lagu soo qabtay iyagoo tahriibinayey   Hari-macad.

Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Bandare, ayaa caddeysay inay ku faraxsan tahay  xeerarka  iyo siyaasadda ilaalinta duurjoogta  qaranka oo ay  xukuumaddu meelmarisay. Waxa kaloo warbixinta Namibia Economist lagu sheegay in qiyaastii sannad kasta Somaliland laga xado ilaa 300 oo Harimacad.

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa 27kii bishan min saddex sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay   Cumar Yuusuf Mahdi iyo Cumar Cismaan Maxamed oo lagu helay dambi ah inay si sharci darro ah uga dhoofinayeen Dalka lix Harimacad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.