WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 1, 2018, (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey agaasime waaxeedyada wasaaradiisa.

Wasiir Koore ayaa magacaabay xubno cusub, waxaanay wareegtada uu soo saaray u dhignayd sidan:-

SomlegalAds
  1. Aqoonyahan, Maxamed Faarax Cabdi oo ahaanaya agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo isku xidhka Hawlaha,
  2. Eng. Maxamed Sheekh Xasan Muumin oo ahaannaya agaasimaha waaxda horumarinta Cilmi-baadhista iyo Arrimaha Shuruucda Biyaha,
  3. Eng. Fahad Faysal Cismaan oo ahaannaya agaasimaha waaxda horumarinta Biyaha dhulka hoostiisa.
  4. Eng. Mukhtaar Abshir Xaaji Diiriye oo ahaannaya agaasimaha waaxda horumarinta Qabashada biyaha oogada dhulka.

Hadaba, magacaabistan xubnahan dhallinyaradda ah ayaan filayaa in ay fursad wayn u tahay hayaanka geediga horumarinta biyaha dalka oo ay adkeeyaan:

  • Dardargalinta cilmi baadhista iyo faafinta shuruucda biyaha,
  • Qorsheynta iyo isku xidhka hawlaha iyo haykalka qorsheyaasha horumarineed ee biyaha dalka.
  • Horumarinta il-biyoodyada dalka sida ceelashada dhaadheer, ceel gacmeedyada iyo xidhida durdurada.
  • Qabashada biyaha oogada dhulka sida biyo-xidheenadda iwm.

Ugu danbeyntii, waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyayenayaa saaxiibadda nasiibka u helay in ay ahaadaan hormo ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda horumarinta biyaha. Sidoo kale waxaan aad ugu mahadnaqayaa afarta agaasime-waaxeed ee xilka laga qaaday oo runtii si wanaagsan iila shaqeeyay muddadii yareyd ee aan xilka agaasimaha guud ka hayay wasaaradda horumarinta biyaha. Waxaanan leeyahay saaxiibayaal xilku waa meerto oo waa sunnaha dawladnimada, balse ogaadda in aad tihiin bud-dhigga wasaaradda.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.