WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 2, 2018, (Saxafi) – Taliye ku xigeenka   Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawad  (Xasan Cali Dheere), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay  in xabsiga Hargeysa lagu jidh-dilay  maxaabiis u xidhan  budhcad baddeednimo  oo sannadkii 2009kii  laga soo xidhay  jasiiradda Seychelles kaasi oo uu baahiyey Telifishanka Goobjoog ee Soomaaliya.

 Taliye Ku xigeenka ciidanka Asluubta oo shalay u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay inay la yaabeen war ay telefoon ku duubeen saddex ka mid ah maxaabiista ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo la hadlay  Telefishan Xaruntiisu tahay Muqdisho. “Waanu la yaabnay warkaas, saddex maxbuus oo jeelkan ku jira oo ka mid ah maxaabiistii lagu maxkamadeeyey  jasiiradda Seychelles oo waliba iyagu codsaday in xabsiga Hargeysa la keeno, ayaa warkaas si kastaba ha u duubeenne duubay waxay   ku duubeen Mobile  galay xabsiga oo aanu imika hayno oo aanu markii dambe ka qaadnay,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubtu.

SomlegalAds

Waxa kale oo uu tilmaamay in maxaabiistani yihiin kuwo caalami ah isla markaana aanay jirin sabab  loo jidh dilaa, waxaanu yidhi; “Maxaabiistani  way xukunaayeen waxaanay ahaayeen  maxaabiis caalamiya, sabab xabsigan loogu jidh-dilaa ma jirto, waliba xannaano gaar ah ayaanu xanaaneyn jirnay jaaliyadda iyo odayaasha Soomaaliya ee Hargeysa jooga waanu ka wada soconay wixii xabsigu ka dhammaado si wada jir ah ayaanu iskaga xil-qaamaynay oo u dhoofinaynay.” “Maxaabiistani warka ay sheegeen wuxuu noqday mid aad loola yaabay oo aanay waxba ka jirin, ”ayuu yidh Taliye Xasan Cali Dheere.

Taliye Ku-xigeenka Asluubta oo la weydiiyay waxa jira in mid ka mid ah maxaabiistani uu ku dhintay jeelka Hargeysa waxa uu yidhi; “Warkaasi ma jiro jeelka Hargeysa ma aha xabsiyadii hore ee dawladdii Siyaad Barre ee dadka lagu ciqaabi jiray. Waa xabsi ururrada xuquuqul aadanaha  u furan, waa xabsi ay looyarradu galaan. Waa xabsi ay bahda caddaaladda oo dhami ay gasho maxaabiis xukuman sabab loo jidh-dilaana ma jirto.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.