WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, June 3, 2018, (Saxafi) – Dawladda Talyaaniga ayaa ciidamada Booliiska Soomaalia ku wareejisay gadiid casri ah oo ka mid ah gadiid ugu qaalisan dunida, kuwaas oo ay ku xidan yihiin qalabka lagaga hortago Qaraxyada.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan oo noocoodu yahay BMW iyo agabyada loo isticmaalayo gaadiidka ka hortaga qaraxyada.

SomlegalAds
Baabuurta Talyaanigu siiyay Somalia ee lagula dagaalamayo Qaraxyada

Taliyaha ciidamada Booliska Somalia ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu wareejiyay, kaasoo uu xusay in loo adeegsanayo howlaha sugida amniga Muqdisho oo ay la daalaa dhacayaan, isla markaana ay rajeynayaan inay wax badan ka badali doonto xaalada xun ee amniga Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Somalia oo dunidu ku caasiso Balaayiin Dollar ayaa heysan qalabkii loogu tala galay ka hortaga iyo baadhitaanada qaraxyada, taasoo keenta in gaadiid waxyaabaha qarxa lagu soo xidhay in magaaladaas uu ku qarxo mar walba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.