WorldRemitAds

Wakhti xiisada dublamaasiyadeed ee u dhaxaysa waddamada Iiran iyo Sucuudigu cirka isku shareertay, ayuu Taliyaha guud ee ciidamada Ilaalada Kacaanka dalka Iran Gen. Maxamed Cali Jacfari, khudbad uu sanadka cusub ee 2018-ka u jeediyay ciidamada qalabka sida ee dalka Iiran ku sheegay in Sucuudigu yahay cadowga koowaad ee dalkooda, colaada iyo nacaybka ay u hayaan boqortooyada Sucuudiguna kaga wayn tahay ta ay u qabaan Isarel iyo nidaamkeeda Sahnuuniyada.

General Maxamed Cali Jacfari taliyaha guud ee ciidamada dalka Iran, ayaa hadalkan ka sheegay isu soo bax balaadhan oo maalintii shalay ee khamiistii lagu qabtay caasimadda dalka Iran ee Tehran, halkaas oo lagu xusayay hal adagnimada shacabka reer Qaza ee dhibaatada iyo go’doominta Israel saaran tahay muddada sanadaha ah.

General Jacfari ayaa sheegay in Sahnuuniyada iyo Israel uu Sucuudigu ka xun yahay, cadowgooda koowaadna uu yahay, oo Israel aanay ahayn cadowgooda koowaad, waxaanu taliyahani si kulul u weeraray dalka Sucuudiga oo uu ku tilmaamay nidaamka ugu xun dunida, halista iyo dhibaatadana ku haya aduunka iyo gobolka.

SomlegalAds

Taliyaha ciidamada Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran, Gen Maxamed Cali Jacfari waxa kale oo uu si kulul u weeraray, Muslimiinta Suniga ah ee dunida gaar ahaan kuwa bariga dhexe oo uu sheegay inay argagixiso noqdeen oo ay daadinayaan dhiiga Ahlu baydka iyo dadka muxsiniinta ah ee Ciraaq iyo Suuriya.

Taliyaha ciidamada Iran ayaa ugu danbayntii ka waramay, sida dawlada Iran uga hadhay dagaalkii ka dhanka ahaa Israel ee ay muddada dheer ku andacoon jirtay inay wado, waxaanu kulankaas ka sheegay in laga bilaabo sanadkii 2015-kii, gaar ahaan markii Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayaa weerareen dalka Yemen, iyo duulaankii ka horeeyay ee kooxda Daacish ku qabsadeen magaalada Moosal ee waqooyiga dalka Ciraaq ay dawlada Iran, cadowgeeda koowaad ka saartay Israel kuna badashay Dalka Sucuudi Arabiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyahan ayaa sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, hadalkiisu dhamaan ahaa weerar ku lid ah dalka Sucuudiga oo kaliya, waxaanu gabi ahaanba ka fogaaday inuu wax ka sheego, dhibaatada Israel ee gacanka Qaza iyo dhulka kale ee Falastiin oo ujeedada Kulankani daaranaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.