WorldRemitAds

Laas-caanood, Somaliland, June, 25, 2018 (Saxafi) – Taliyaha qaybta Booliska Sool ayaa sheegay in meel u dhow saldhigyadda Booliska Laascnood habeen hore lagga riday rasaas, balse aanay mudnayn dhacdo la buunbuuniyo oo lagu fasirro weerar.

Gaashaanle sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in falkan dableyda ka danbaysey ay reer Laas-caanood yihiin. “Meel saldhigga ka durugsan ayay xabado dhawr ah ka soo rideen wayna yaaceen, waxaana la helay waxyaabo ay ka carareen” ayuu yidhi taliyuhu, isagoo raaciyey inay ahaayeen dad daroogo isticmaalay. “Wax khasaare ah oo haba-yaraatee halkaas ka dhacay ma jirin, cid saldhig timid ma jirin. cid soo gashay ma jirin, cid maxaabiis ka sii daysay ma jirin.” Ayuu raaciyay taliyuhu

SomlegalAds

Waxa kale oo uu sheegay in lagu daba jiro, isagoo uga digey bulshada dadka amaanka khalkhal gelinaya, ujeedada ka danbaysana ay tahay in laga qixiyo baradooda. “Dadka reer Laas-caanood iyo dhamaan gobolka Soolba waxaanu leenahay, nabad-gelyadiina ilaashada, Is garab taagga Booliska. Runtii soo sheegmada, damagalka iyo ogaanshaha intaba waxaa ka qayb qaatay dadka deegaanka oo si fiican Booliska ula shaqeynayay.”

Dhinaca kale Abuukar Cabdi Geelle oo maamulka Puntland ee Somalia ugu magacaaban Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa ku dooday in cutubyo ka tirsan ciidamadoodu waa sida uu hadalka u dhigaye ay hawlgal ka fuliyeen saldhigyo magaalada Laas-caanood ku yaala, waxaanu xusay in ay maxaabiis ka sii daayeen sida uu sheegay. Laakiin, tan badalkeedda waxaa uu sheegay Taliyaha Qaybta Boolisku in aan warkaasi wax ka jiraa jirin. “Warkaas la sheegayana wax ka jiraa ma jiraan. Waa borobogaande, beenina waxba tari mayso. Qof kasta oo nabad-galyo darro ka abuuraya Laas-caanood ama raba in dadkaas masaakiinta ah nabad-galyaddoodu khalkhal gasho cidina u dul-qaadan mayso talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.