WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 03, 2019 (Saxafi) – Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sarreeye-Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in aasaaskii koowaad ilaa shalay Ciidanka Qaranku  heegan ugu jiro sugitaanka nabadgelyada & difaaca Qaranka JSL.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Munaasibad loo qabtay xuska sannadguuradda 25aad ee Ciidanka Qaranka, oo   Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, madaxda Goleyaasha Qaranka, Asxaabta Mucaaradka, Safiirada jooga dalka, martisharaf kala duwan ka soo qeybgaleen ayaa shalay lagu qabtay xarunta Taliska guud ee Hargeysa.

Khudbad Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Sarreeye-Gaas Nuux Ismaaciil Taani  uu xog-waran ka bixinayey sooyaalka aasaaskii Ciidanka Qaranka, guulahii ay soo hooyeen, iyo hiigsigooda mustaqbal, ayuu hadalkiisa ku bilaabay,

“Sannadguuradii 1aad, ilaa maanta sannadguuradiisii 25aad, oo rubuc-qarni ah Ciidanka Qaranku waxaa uu heegan ugu jira difaaca & Ilaalinta Qaranka JSL, sidoo kalena, ciidanku u dhaqaaqay sidii maamulka dawladnnimo loo gaadhsiin lahaa guud ahaan dalka, iyo sugitaanka nabadgelyada xuduudahiisa. Waanad ku mahadsan tihiin, waa kaa manta geedkii aad beerteen la hadhsanayo.” Ayuu yidhi.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux oo ka hadlayey qaabkii guutadii ugu horeysay ee Ciidanka Qaranka loo geeyey Gobolada Barriga JSL ayaa yidhi,

“Waxay ahayd sannadkii 2000, markii Guutadii u horaysay 17aad aanu ka rarnay Dararweyne, oo dejinay Oog. Maalintii aanu tagnay dadkuna way nala yaabanaayeen, magaaladaa oo cariishyo yaryar ahayd. Labadii biloodba mar ayaan guutooyinka isku bedbedeli jiray. Ciidan wakhtigaa magaalada Burco ka shisheeyey ma jirin.”

Taliye Nuux Taani oo tafaasiil ka bixinayey qorshayaashii lagu tayeynayey Ciidanka Qaranka iyo muhiimada ka dambaysay furitaanka Dugsiyo tababar ayaa yidhi,

“Mudane Madaxweyne waxaan bilownay qorshayaashii lagu tayeynayey Ciidanka Qaranka, waxaanan abuurnay Dugsiyo tababar kala duwan. Ciidanka Qaranku waxuu leeyahay 6 Dugsi Tababar, mid Dugsiga Cabdillahi Askar (AHN) ee saraakiisha lagu tababaro, dhamaan Ciidamada kale aya nala wadaaga. Dugsiga Muj Harag-waafi (AHN) oo saraakiil-xigeenka lagu tababaro, si aqoontooda kor loogu qaado. 4 Dugsi oo Dhibooga lagu tababaro ayaa jira, Darar-weyne, Sheekh & Bixin, Ceerigaabo, waxaana sannadkan ka baxay laba dufcadood oo 6 bilood ah, oo Ciidanka Qaranka ku biiray waxa kaloo jira Dugsi cusub oo laga furay magaalada Samakaab, oo lagu tababari doono ciidamada Gobolada Sool, Cayn & Saraar.   isla markaana waxa jira Saraakiil Ciidanka ka tirsan oo tababaro dibadeed ku maqan, kuwo kale way soo dhamaysteen sannadkan.” Ayuu yidhi. Isagoo raaciyey,

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

“Waxaa noogu maqan Injineero, kuwo waxbarashada heerka labaad (Master) & heerka koowaad (Degree). Sidoo kale, waxa dibedda noogu maqan Dhakhaatiir waxbarasho heerka labaad (master) iyo heerka koowaad (degree), iyo kalkaaliyeyaal sare. Waxa dibedda noogu maqan layli-saraakiil ciidanka dhulka (infantry) iyo Sirdoon (Intelligence) ah. Waxa noogu maqan Farsamoyaqaano kala duwan sida (Gawaadhida & Taangiyada).

S/G Nuux Taani ayaa sheegay inay xeryaha Ciidanka Qaranka ee Hargeysa u heleen adeega korontada, waxaanu yidhi,

“Mudane Madaxweyne, waxaanu ku guulaysanay, sidaad soo aragtay inaan xeryaha Ciidanka u helo nidaam tamarta cadceeda (Solar System) dhaliya korontada, inta kalena waxa noo qorshaysan inaan u samayno.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yusuf (Xawar) oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inuu leeyahay taariikhda dheer ilaa intii uu bilaabmay aasaaska Ciidanka Qaranku, waxaanu yidhi,

“Mudane Madaxweyne, sidaad xog-ogaal u tahay taariikhda iyo wakhtiga Ciidanka Qaranku soo maray aasaaskiisii 25 sannadood, iyo kaalinta ay ugu jiraan Qarankeena. Waxaan doonayaa inaan halkan ka xaqiijiyo, uguna hambalyeeyo meel kasta oo ay joogaan dhamaan Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda, sannadguuradan maanta, waxaanan leeyahay hambalyo, meel kasta aad joogtaan.”

Munaasibado la xidhiidha sannadguurada 25aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka JSL ayaa sidoo kale maanta lagu qabtay dhamaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.