WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, Octobar 31, 2014 (Saxafi)- Dawladda Soomaaliya ayaa guddi wasiiro ah u saartay baadhitaan in lagu sameeyo geeriddii ku timid Taliyihii Booliska Soomaaliya Maxamed Xasan Ismaaciil oo shalay si kadis ah u geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu wadnaha istaagay, balse si dhab looma oga sababta ka dambeysa geeridiisa, iyadoo geeridana ku soo beegantay wakhti khilaaf xooggan oo madaxda dalka u dhexeeya, kaasoo ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada.

SomlegalAds

Taliyaha ayaa horay looga soo mastaafuriyey dalka Kanada, dacwado la xidhiidha jirdil uu geystay intii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu ka tirsanaa.

Ra’iisul waasaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii booliiska Somalia, iyadoo la sheegayo in maalinta berry ah lagu aasi doono isla magaalada Muqdisho.

“Qof kasta wuxuu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan xukuumadda iyo tan shacabka Soomaaliyeed waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Somalia, isla markaana qayb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska,” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale. Ra’iisul wasaaraha ayaa magacaabay guddiga wasiirro ah oo ka kooban shan oo beedhitaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo saraakiisha, saraakiil xigeenka, alif-leyda, dableyda booliiska iyo intii asxaabta la ahayd taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xusay inay Alle uga rajeynayaan inuu Eebbe u naxariisto.

Geerida Jen. Maxamed Xasan Ismaciil ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii kacaanka, waxaana sannadkan si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegay taliyihii ka horreeyay, Jen. Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha ayaa la sheegay inuu caafimaad qabay ka hor inta aanu geeriyoon, isla markaana shaqadiisii uu caadi u watay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.