WorldRemitAds

Waxa dalka Jarmalka ka bilaabmay, mid ka mid ah tartamada ugu layaabka badan dunida, kaas oo ay adag tahay sida dadka intooda badani u rumaysan karaan, laakiin marka macnaha uu ku fadhiyo iyo ujeeda dadka soo abaabuulay ka leeyihiin aad fahamto, laga garaabi karo.

Tartankan oo ka furmay Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, ayaa ah mid ay ka qayb galeen in ka badan boqol ciyaar yahano kala duwan oo caan ka ah dunida, kuwaas oo dhamaantood ku tartami doona, tartan xaabo jabin ah oo si heer caalami ah oo ka qayb gale kastaa matalayo dalkiisa u dhici doona.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, tartankan ayaa ujeedada laga leeyahay tahay, in laga yara fogaado nolosha casriga ah iyo aaladaha elegtarooniga ah ee sida wayn dhalinyaradu ugu walafeen ee ragaadiyay hab dhaqankii nololeed ee soo jireenka ahaa.

SomlegalAds

Oo dib loogu yara noqdo dhaqankii iyo noloshii aadamigu ku soo dhaqnaan jiray ka hor intaan tignoolajiyada iyo nolosha casriga ah aan loo gudbin ama aan reer magaalka la noqon.

Tartamayaasha tartankan xaabaysiga ee dalka Jarmalka ka furmay ayaa ku kala dheerayn doona sida jaabo googaynta loogu kala dhakhsaha badan yahay, waxaanay adeegsan doonaan hababkii wakhtiyadii hore lagu xaabaysan jiray, gaar ahaan qaarada Yurub iyo waddamada hore u maray, marka laga hadlayo.

Waxaanu tartame kastaa ku dagaal geli doonaa Faashkiisa uu ku xaabaysanayo, kaas oo uu ku jar jari doono, dhirta waaweyn ee sida geedeheeni Galoolka ahaa oo kale uga baxda kaymaha waaweyn ee dalka Jarmalka, kuwaas oo jiridahoodu aad u waaweyn yihiin.

Tartame kasta waxa loo qori doona dhibcaha uu xaabaysiga iyo jirdo gooynta ku kasbado, wareeg dheer ka dibna waxa sida la filayo isugu soo hadhi doona, tobanka tartame ee ugu xaabaysiga fiicnaada oo wareega ugu danbeeya gaadhi doono.

Tartame kastaa waxa uu kaga qayb galayaa isaga oo matala qarankiisa ama dalka uu ka soo jeedo, kaas oo tartamaha ugu danbeeya uu noqon doona ka guusha u horseedi doona dalkiisa, laakiin lama cadayn wakhtiga uu socon doono, oo waxa sida muuqata socda nidaaminta sharciyada iyo hab sami u socodka tartankan oo ugub ku ah dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.