WorldRemitAds

Labada Telefiishan ama Muuq-baahiye ee Satellite-ka ah loo kala yaqaanno  Somali Broadcasting Service (SBS) iyo Somali broadcasting Corporation (SBC) ayaa haatan u muuqda inay ka mid yihiin warbaahinta maamulka Puntland ee hoos timaadda Dawladda Soomaaliya.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Labadan TV oo xafiisyo ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaad mooddaa inaanay xafiisyadaasi kaba war haynin barnaamijyada labadaa TV ku buunbuuninayaan madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, iyadoo inta badan baahinaya booqashooyinka Madaxweynaha Puntland ku kormeerayo xeryaha ciidamada maamulkaasi iyo khudbadaha niyadda loogu dhisayo maleesiyada maamulkaasi ee uu Cabdiweli Gaas muu jeedinayo.

In kastoo aan maqlayay in Maamulka Gobolka Togdheer uu hawl wadeenada TV-ga SBS ka joojiyey gobolkiisa inay ka hawlgalaan, hase yeeshee dhibaatada labadaa TV ku hayaan qarannimada Somaliland waa kuwa aad u baahsan marka la eego xaalada dhabta ah iyo duulanadda maamul goboleedkaasi ku hayo deegaanka Tukaraq iyo dalkaba.

In kastoo hawlwadeenada TV-yadaasi ee ku sugan Somaliland qaarkood warar dhex ah ka sheegaan Somaliland, hase yeeshee isla hawlwadeenada TV-yadaasi lafttooda oo ku sugan dalka ayaa warar kale u gudbiya maamuladaasi Soomaaliya iyo Puntlandba, wararkaasi oo aan u dhigmin ama ka waxyeelo badan kuwa ay tusayaan dadweynaha dalkan, xukuumadda ayeyna u taallaa inay kala barato warbaahainta cadowga ku ah dalka iyo tan dhexdhexaadka ah.

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.