WorldRemitAds

Telefishan ku yaala dalka Maraykanka ayaa lagu qaaday weerar hubaysan oo la mid ah, dhacdadii ay ka waramayeen, waxaana si toos ah loo daawaday suxufiyiintii telefishankan ee goob dad lagu rasaaseeyay war si toos ah uga soo tabinayay oo isla iyagii weerar la mid kii ay ka waramayeen ku dhacay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sida wakaaladaha wararka dunidu baahiyeen, hawl wadeenada Telefishanka Madaxa banaan ee KTVU’s news, ayaa la kulmay dhacdo la mid ah tii ay ka waramayeen, ka dib markii suxufiyadii warbixinta uga soo dirtay, goob qof hubaysani dad ku weeraray, rasaas ooda lagaga qaaday iyadoo toos hawada ugu jirta oo la waraysanayo.

Muuqaal fidiyow ah oo dhacdadan kamaradihii tabinayay duubeen ayaa laga arkayay, wariyihii ku sugnaa xarunta telefishan-ka KTVU’s News, Brain Flores, oo su’aalo waydiinaya Cara Lui, oo war ka soo tabinaysa goob qof hubaysani dad ku laayay badhtamaha magaalada San Francisco, ayaa jawaab ay siiso iska daayee, mar qudha ka war helay in la weeraray oo ay naf la carar tahay.

Cara Lui, ayaa ilbidhiqsiyo ka hor intaan weerarku ku dhicin ka waramaysay, dil iyo dhaawac ka dhacay goobta ay ku sugan tahay, waxaanay sharaxaad ka bixinaysay sidii weerarkaasi u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay, hasa yeeshee iyadii ayaa ka carartay makarafoonkii iyo kamaradii.

Wallow ay dib mar kale hawada ugu soo noqotay ilbidhiqsiyo ka dib, oo warkeedi mar kaliya isku badalay, weerar lagu soo qaaday iyaga in ay tabiso.

Dhacadadan ayaa noqotay mid aad u layaab badan, waxaanu telefishan-ka weerarkani ku dhacay ku tilmaamay, in warkii ay tabinayeen iyo weerarkii ay ka hadlayeen mid la mid ah lagu soo qaaday oo uu ku dhacay, warfidiyeenadoodi goobtii dilku ka dhacay ka soo waramayayna halis galeen oo lafahooda la baxsadeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.