WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 4, 2018 (Saxafi) – Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee qalab dhimse ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii Sagar ee ku dhuftay deegaanada xeebaha ee dalka gaar ahaan deegaanadda hoos yimaada gobolka Awdal.

Munaasibad shirkadda Telesom ku wareejinay deeqdan qalabka dhismaha oo ah deeqdii ugu horeysay ee nooceeda oo kale oo shirkad ganacsi ku deeqday ayaa waxaa ka halday Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo shirkadda Telesom ka guddoomay deeqda kuna wareeejiyey Agaasimaha Hay’adda  Aafooyinka, waxaanu Madaxweyne Ku-Xigeenku yidhi: “Shirkadda Telesom waanu u mahadnaqaynaa, waanan ka guddoomaynaa deeqdaasi ay u soo fidisay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay, dabayshii ugu adkeyd ee inagu dhacday. Waxaanu mudnaanta siinaynaa dadkii shacabka ahaa ee baladu dibadda u saartay in wixii laga gaadhi karo iyo siday u kala jilicsan yihiin loo siiiyo, markaa waanu ka guddoonay 3,500 (Saddex kun iyo Shan boqol) ee jiingadaha ah, qorigoodii iyo masaabiirtoodii. Anaguna ka dawlad ahaan waxaanu ku kabi doonaa Engineeradii iyo wixii kale ee aanu ku tari karno”.

SomlegalAds

Agaasimaha arimaha horumarinta bulshadda ee shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax ayaa ka hadlay deeqdan ay shirkaddu ku wareejisay dawladda ee loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka guryahoodii ay baabi’isay Duufaanadii Sagar, waxaanu yidhi, “In aanu hay’adda iyo dawladda ku wareejino qalab dhisme oo aanu ugu talo-galnay in lagu caawiyo dadkii ay musiibadda duufaanadu saameysay ee ku nool  degmadda Lughaya, qalabkaasi oo aanu ugu talo-galnay in dadkii guryuhu ka dumeen ee duufaanadu ku dhacday intii laga gaadho dib loogu dhiso guryahoodii. Qalabkaasi wuxuu ka kooban yahay ilaa 30 tan oo ka kooban qalab dhisme oo isku jira ilaa 3,500 oo jiingadood, 1,300 oo qoriga jiingadda lagu dhiso iyo masaabiirtoodii. Qalabkaa dhamaantii waxaa bixisay shirkadda Telesom, waxay ugu talo-gashay in dadkeedaa masiibadu heshay kala qayb-qaadato”.

Guddoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka iyo Keydka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa ka hadlay deeqdan shirkadda Telesom soo gaadhsiisay dadka duufaanada Sagar ku dhufteen, waxaanu yidhi, “Runtii wax weyn bay ka taraysaa ummaddaa bacadka fadhida ee guryihii ay ku jireen ay baaba’een. Runtii dawladda Somaliland dadaal weyn bay ugu jirtaa sidii ay dadkaasi u taakuleyn lahayd, sidii ay cid walba ugu baaqi lahayd sidii ay wax ugu qaban lahaayeen. Meelo fara badan ayey runtii taakuleyntu inooga timid. Dalka Jabuuti baa ka mid oo aanu aad iyo aad ugu mahad-celinayno. waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta, waxaa ka mid ah hay’addo fara badan oo wax badan ka qabtay”.

Shirkadda Telesom ayaa mar walba safka hore kaga jirta barnaamijyadda taakuleynta degdega ah iyo taakuleynta baahiyaha aasaasiga ee bulshadda soo food saara. Shirkadda Telesom waxaa goor kasta ka go’aan ay si mug iyo miisaan leh u garab joogsata bulshadda qayb baheeda kala duwan. Sanadkanii la soo dhaafay shirkaddu waxay gurmadkii abaaraha ku bixisay lacag ka badan Hal milyan iyo badh dollar, waxaanay noqotay shirkaddii koowaad ee deeqda ugu balaadhan ka fulisay dhamaan goboladda dalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.