WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 02, 2014 (Saxafi)-Tifaftirihii Guud ee Horn Cable TV Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii iyo shaqadii uu ka hayay TV-gaasi, ka dib markii  ay shaqadda isku fahmi waayeen isaga iyo mulkiilaha HCTV  oo uu ku eedeeyey inuu ixtiraami waayo shaqadii uu u dhiibay.

Cabdilaahi Wayab waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo uu faahfaahin kaga bixiyay khaladaadka sababay inuu shaqadii HCTV ka tago, waxaanu u qornaa waa sidaa “Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxaan iskay u go’aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii  u  hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV  igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas’uuliyaddii uu ii dhiibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.

Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan  isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su’aalo Madaxa Wararkuna oo ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha ila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.

SomlegalAds

Haddaba,  anigoo ogsoon inaan ahay  qofka  koowaad ee leh masuuliyada  wax kasta oo  ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa ku sii dhex fadhiyo HCTV  oo aan ku sugo in la i xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta oo ah 1da Nov,2014 go’aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.