WorldRemitAds
Addis Ababa, Ethiopia, 20, 2015 (Saxafi) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsantay rabshado ka dhacay deegaanka Oromiya ee Itoobiya oo galaaftay nolosha dad badan oo dowlada ku banaanbaxay.

Wakaallada wararka AFP ayaa tilmaantay in ugu yraan 75 ruux lagu dilay isu soo baxyadan iyaddoo warkaas ka soo xigatay hay’ada u dooda xuquuqda aadamaha ee Human Rights. “Boliska iyo ciidamada military-ga ah ayaa rasaas ku furay mudaharaadayaasha, waxaana dhintay ugu yaraan 75 mudaharaade, in badan oo kalena waa ay dhaawacantay. ” Ayaa lagu yidhi warbixinta hay;ada HRW.
Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ayuu Maraykanku kaga hadlay kacdoonkii todobaadyadii ugu danbeeyay ka socday deegaanka Oromiya. ‘‘Waxaan aad uga xunahay dhimashada dhacday waxaanan tacsi u diraynaa qooysaska eheladoodii ku waayay rabshadahan. Waxaan dawlada Itoobiya ugu baaqaynaa inay ogolaato banaanbaxyada nabadeed ayna la timaado wadahadal dhab ah oo lagu xalinayo cabashooyinka jira’’
Maraykanku waxaa uu dhanka kale banaanbaxayaasha ugu baaqay inaanay sameynin rabshado ogolaadaana wada xaajood. ‘‘Dowlada Itoobiya waxay si cad u sheegtay in qorshaha dhismaha dhulka lagu muran sanyahay la hakin doono ilaa iyo inta lagala tashanayo shacabka. Waanu taageersanahay go’aanka Itoobiya ee ah inay shacabka la tashanayso waxaanan dawlada ugu baaqaynaa in si deg deg ah isugu yeedho dadka ay khusayso si wadahadal loo furo, ’’ ayaa markale lagu yidhi qoraalka.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ku soo beegmay xili kacdoon kajiro Oromiya kaasoo la sheegay inuu galaaftay nolasha dad ku dhow 75 ruux.
Kacdoonkan ayaa bilowday kadib markii ay dowlada dhexe sheegtay in la balaadhinayo caasimada Addis Ababa, balaadhintaas oo saameyn ku yeelatay dadkii daganaa deegaanada ku xeeran magaalada Addis Ababa kadibna dadkii ay banaanbaxyo sameeyeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.