WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, August 19, 2017 (Saxafi) – Ugu yaraan laba boqol iyo soddon kun (230,000) oo neef ayaa saddexdii habeen ee ugu dambeeyay ka dhoofay dekedda weyn ee Berbera ee dalka Somaliland oo xudun u ah dhoofka xoolaha ee dalalka Geeska Afrika, taas oo maalmihii u dambaysay ka dhigtay dekedda Berbera mid aad u mashquulsan, iyadoo xoolahan oo gebi ahaantood ahaa Adhi ay qayb ka yihiin xoolaha Moosinka Xajka loogu talo-galay ee sannad walba Somaliland uga dhoofa dalka Sucuudi Carabiya.

Wararka aanu helay waxaa ay tilmaamayaan in Habeenkii Khamiistu soo galaysay oo kali ah ay dekedda ka baxeen 130.000 kun oo neef.

Xoolahan oo dhammaantood Adhi ah, ayaa waxa Mowsinka Xajka ee Ciidda Carafo Awgeed la geynayaa Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya, sidaasna waxa sheegay Faysal Cabdi Xasan oo ah dadka xoolaha dhoofiya.

SomlegalAds

“DP World waxaad mooddaaba inay u dhalatay Xoolaha Nool Dhoofkooda, Waayo? si wanaagsan ayay noo hagaajisay, waxayna samaysay Nidaam Casriya, kaasi oo ah in Maaddaama oo Xoolaha aanu dhoofinaynaa yihiin Xoolo Caafimaadsan aanay Xoolo kalle u geli karin. Dalalka aynu Xoolaha u dirnaana mid walba Shuruud gaar ah ayuu ka rabaa Xoolaha, markaa hadday Xooluhu is dhex-galaan wer-wer baa Dadka ka hayn jiray, laakiin imika waxay u samaysay in Markab waliba uu gaarkiisa u baxo.”ayuu yidhi Faysal Cabdi oo ka warbixinayey dekadda iyo xoolaha ay dhoofinayaan

Ganacsade Faysal waxa kale oo uu sharraxay Tirada Xoolaha Dhoofay iyo Maraakiibta qaadday “Waxaanu raraynaa 70Kun oo neef, waxaana qaadayaa Markabka‘Barako 5’, waana markii labaad ee uu isagu ka qaado(Dekedda) intii Mowsinka Xajku socday, hore waxaanu u saarnay Lixdan Kun.”

Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan oo Xalay Kormeeray sida Hawsha Dekeddu u socoto, ayaa faahfaahiyey hawlihii wakhtigaa ka socday Dekedda “Waxaanu ku jirnaa Dejintabadeecadda oo iskugu jirta WFP oo illaa 15 Mitirig tan u degayaan, dhowr iyo Toban Mitirig tan oo Sibidh ah ayaa la dejinayaa oo Dekedda ka baxaya, waxa kale oo Markab ka dejinayaa Badeecadaha ku yimaadda Koontaynarrada oo ka koobnaa laba boqol iyo Dhow iyo Toddobaatan” ayuu yidhi

Tan ka sokow waxaa dedekda ku soo xidhay xalay Markab ganacsato reer Somaliland ah u raran oo sida 570 Kontiinar waxaana muuqatay mashquul badan oo dekedda la daris ah ayaamahan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.