WorldRemitAds

Hogaamiyihii xisbigii Nazi-ga ee dalka Jarmalka isla markaana ahaa ninkii ugu saamaynta balaadhnaa taariikhda dunida ee qarnigii 19aad, Adolf Hitler, ayaa sida hogaamiyayaal badan oo dunida soo maray looga reebay halku dhegyo, ka tagay erayo lagu xasuusto, kuwaas oo hogo tusaalayn iyo u jid banaysi danihiisa ah intaba isugu jira, waxaana toban ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ay ahaayeen sidan.

  1. Hala Doodin Qof Axmaq ah, Maxaa yeelay? Wuxuu idin kala firdhin adiga iyo dadka.
  2. Marka Ka Guul Daraystay Qoslo, Wuxuu Guulaystuhu waayaa macaankii Libinta (Guusha).
  3. Hala Loolamin (Tartamin), qof aan wax ka Khasaarayn.
  4. Ninku wuxuu ahaadaa Carruur inta hooyadii nooshahay, laakiin maalintay dhimato ayuu gabowgu jilbaha dhigaa.
  5. Adigu noqo saaxiib, laakiin ha ku taamin inaad saaxiib yeelato.
  6. Hadaad Jeclaato Cadowgaaga, Ogow inuu Go’doon noqonayo.
  7. Haddii aad safka ama kuyuuga ugu danbayso, ogow inaad dhinaca kale ugu horayso.
  8. Dhamaanteen Waxaynu la mid nahay sida Dayaxa, oo jiho ka soo baxa.
  9. Haka Hori man dookha Xaaskaaga, waayo? Waxaad tahay ka kaliya ee ay dooratay ama xulatay.
  10. Dhamaanteen waxaynu jecel nahay wixii la soo dhaafay ee tagay, waayo? Waxaynu wada og nahay in aanu soo noqonayn, laakiin haddii la soo celin lahaa waynu wada karaahiyaysan lahayn.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.