WorldRemitAds

Akhriste sida aan wada ogsoonahay, Masaajidadu sida diinteenu inoo sheegtay, waa goobaha Illaahay (SW), agtiisa loogu jecel yahay, uguna khayrka badan dunida guudkeeda, waa hoyga cibaaddada iyo astaanta guud ee Muslimiinta, sidoo kale waa meel isku xidha bulshada, kulamada muhiimka ahna dadka Islaamku ku yeeshaan.

Haddaba wakhtigan aynu ku jirno oo diinta Islaamku si wayn ugu fiday dunida, laguna tilmaamo xiliyadii Islaamku ugu faafida badnaa abid, waxa dunida oo dhan ka jira, masaajido ay Muslimiintu ku cibaadaystaan, kuna oogaan dhamaan camalada kala duwan ee Diinta, sida awgeed waxaynu qormadeenan xiisaha Wargeyska Saxafi ku soo qaadan doona, tobanka Masaajid ee ugu waaweyn uguna quruxda badan aduunka.

Masaajidka Barakaysan Ee Xaramka Maka Al Mukarama

SomlegalAds

masjidka-xaramka-barakaysan-ee-makaMasaajidka Xaramka Barakaysan ee Maka Al Mukarama Sucuudi Arabiya, waa Masaajidka imaan ahaan ugu horeeya Muslimiinta, Waa Qiblada, waxaana ku taala Kabcada lagu dawaafo wakhtiga Xajka, waa ka koowaad ee ugu wayn masaaxad ahaan, waana ka ugu horeeya quruxda dhinac kastaba, Masaajidka Xaramka barakaysan ee Maka Al Mukarama, waa hoygii koowaad ee Alle (SW), lagu caabudo, cibaadada iyo masjid ahaana loo dhiso.

Masaajidkani waa Kabcada ay salaada ku qumistaan muslimiintu dhiniciisana u jeestaan ee qiblada u ah salaada, waxa dhisay Malaa’ig, ka dibna waxa dib u hagaajin ku sameeyay Nabi Ibraahim (CSM) iyo wiilkiisi isna Nabiga ahaa ee Ismaaciil.

Saban kasta oo la joogana waa la balaadhiyaa, waxaana ugu danbeeyay mashruuca balaadhan ee labadii sanadood ee ugu danbeeyay ka socday oo lagu waynaynayo, masaajidkan ayaa ilaa labo milyan oo qof ay ku tukan karaan, marka laga qiyaas qaato balaadhinta ugu danbaysa ee lagu sameeyay.

Tobanaan qarni ka dib Masaajidka Xaramka ee Maka Al Mukarama, ayaa wakhtigan laga wadaa dib u dhiskii ugu casrisanaa uguna waynaa, waxaanu baaxada dhuleed ee uu ku fadhiyaa gaadhay, 357-Kun oo Mitir Afar Jibaaran (sadex boqol iyo todoba iyo konton kun oo mitir afar jibaaran).

Masaajidka Nebiga Ee Madiina Minawara

masjidka-nabiga-ee-madinahMasaajidka Nabigeeni Subanaa ee Maxamed (NNKHA), waa ka labaad ee ugu qiimaha badan Islaamka, uguna muqadasan, waxaana kaliya ka horeeya imaan ahaan Masaajidka Xaramka ee Maka Al Mukarama, Masaajidkan ayuu Nabi Maxamed (NNKHA), aasaasay sanadkii 622-kii taariikhda Miilaadiga.

Waa masaajidkii laga aasaasay dawladii Islaamka ee ugu horaysay, waa bugcadii nuurka Iimaanka iyo diinta wanaagsan ee Islaamka uu Nabiga (NNKHA) iyo asxaabtiisi ka faafiyeen, waa halkii jihaadkii iyo xorayntii adoomaha Alle (SW), laga fuliyay, ilaa Kalmada Alle (SW), ka kor martay, dulmiga, Shirkiga iyo Gaalnimaduna jabtay.

Masaajidkani waa mid ilaa wali la widh widhaya, iimaanka iyo nuurkii qiimaha badnaa ee shiday diinta Islaamka, waxaanu ku yaala magaalada Imaanka, Hijrada ee Madiina Minawara, waana goobta uu ku aasan yahay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo Naxariista Alle Korkiisa ha ahaate.

Masaajidkan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa lagu qiyaastay afar boqol oo kun oo mitir afar jibaaran, waxaana ku tukan kara ilaa labo milyan oo qof, waxa ku yaala Riyaadu Jano, halkaas oo ah goobta ugu fadliga badan ee lagu cibaadaysto.

Masaajidka Nabiga Ee Madina maaha mid taariikhdiisa iyo qiimihiisa lagu soo koobi karo qoraal iyo barnaamij kooban, waxaanu ka mid yahay sadexda masaajid ee dadka Muslimiintu safarkooda u qastiyi karaan, loona ogol yahay inay booqdaan oo meel walba uga safraan.

Masaajidka Boqor Faysal Ee Islamabad Pakistan

masjid-boqor-faysal-ee-dalka-pakistanMasaajidka Boqor Faysal Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, ee Caasimadda Bakistan Islamabad Ku yaala, waa ka sadexaad ee ugu wayn uguna quruxda badan masaajidada dunida ee casrigan, laakiin maaha masaajidkani ka sadexaad ee ugu barakada badan Islaamka, markaa akhriste yaanay iskaga khaldamin Muqadasnimada iyo waynaanta masaafada dhuleed ama baaxadeed.

Masaajidkan ayaa ku yaala xaafada Khayaban-e-Margala, ee Magaalada Islamabad, Pakistan, waxa dhisay Boqorkii hore ee Sucuudi Arabiya Boqor Faysal Bin Cabdi Casiis, oo loogu magac daray, masaajidkan ayaa u samaysan sida Taandhada reer Miyiga Carabtu dhisan jireen, gaar ahaan reer guuraaga.

Masaajidka Boqor Faysal Ee Pakistan, dherarkiisu waa 90mitir, waxaana ku tukan kara sadex boqol oo kun oo qof, nashqadiisana waxa ku tartamay in ka badan afartan injineer oo dunida caan ka ah, waxaana ugu danbayntii ku guulaystay injineer Turki ah oo lagu magacaabo, Eng. Vedat Dalokay.

Masaajidkan ayuu boqorkii Sucuudiga Faysal Bin Cabdi Casiis, dhismihiisa dhagax dhigay 1969-kii, waxaanu dhamaaday 1986-kii, waxa markiiba ku tukan kara 300-Kun oo Qof, waxaanu ku fadhiya masaaxad dhuleed oo lagu qiyaasay, 5,000 m2 (54,000 sq ft). Masaajidkan ayaa lacagta lagu dhisay ahayd 12-Milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Masaajidka Xoriyada Ee Jakarta Indonesia

masjidka-xoriyadaMasaajidka Xoriyada ama Istiqlal Mosque sida Indonesia looga yaqaano waxa uu ku yaala caasimadda dalkaas ee Jakarta, waxaana la dhistay markii dalkaasi ka xoroobay gumaystihii Netherland ee sanadkii 1945-tii.

Masaajidkan ayaa 2 boqol oo kun oo qof ku tukan karaan, waxaanu ka mid yahay masaajidada ugu waaweyn uguna farshaxanka iyo qaab dhismeedka wanaagsan, waxaanu si rasmi ah u noqday astaanta guud ee qaranka.

Masaajidkan ayaa salaadaha iyo cibaadada ka sakow, leh machad wayn oo waxbarashada diiniga ah lagu baro ubadka iyo dadka waaweyn labadaba, waana jaamacada ugu wayn barashada diinta Islaamka dalkaas.

Masaajidka xoriyada Indonesia ee magaalada Jakarta, dhismihiisu wuxuu socday muddo dheer, waxaanu ka kooban yahay ilaa todoba dabaq iyo qaybo waaweyn oo kala duwan, waxaanu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu tahay 45 kun oo mitir (148kun oo ft). waxa ku baxday lacag lagu qiyaasay todoba bilyan oo Rubiga Indonesia ah taas oo dollar ahaana u dhiganta ilaa sadex iyo tobanmilyan oo dollar.

Masaajidka Boqor Xasanka Labaad Ee Casablanca Morocco

masjid-boqor-xasanka-labaadMasaajidka boqor Xasanka labaad ee dalka Morocco waxa uu ku yaala xeebta Atlantic-ga, waana ka shanaad ee ugu wayn aduunka, isla markaana ugu quruxda badan, masaajidkan ayaa qaybina bariga ku taala, qaybta kalana bada dhexdeeda ka dhisan tahay.

Waxaanu leeyahay minaarad labo boqol oo mitir lagu qiyaasay, taas oo noqonaysa minaarada labaad ee ugu dheer, masaajidkan oo la furay 1994-kii, waxa ku baxday dhismihiisa sideed boqol oo milyan oo dollarka maraykanka ah.

Masaajidkan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa lagu qiyaasay ilaa toban Higtar, waxaana markiiba ku tukan kara oo uu qaadaya boqol iyo labaatan kun oo qof, masaajidkan ayaa dhismihiisu socday muddo sideed sanadood ah, waana ka ugu wayn qaarada Afrika, uguna quruxda badan.

La soco qayb kale insha Allaah

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.