WorldRemitAds

Gabadh toddoba jir ah oo labada dhudhun ee gacmaheedu go’an yihiin, ama haddii si kale loo dhigo bilaa gacmo ah ayaa ku guulaysatay tartanka farta ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka Maraykanka, waxaanay gabadhan yari noqotay qofkii ugu farta wanaagsan dhamaan ardayda dugsiyada hoose ee dalkeeda.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo, Anaya Ellick, waxay kaalinta koowaad u gashay ardayda ugu farta fiican dugsiyada Maraykanka oo tartan far qurux badnaanta ah dhawaan loo qabtay, waxaanay gabadhan yar oo dhigata dugsiga Chesapeake ee Virginia loo aqoonsaday ardayada sanadkan 2018-ka.

SomlegalAds

Toddoba jirkan oo bilaa gacmo ku soo dhalatay, ayaa ku guulaysatay abaal marinta far wanaaga Maraykanka ee loogu yeedho, (Nicholas Maxim), taas oo qiimaheedu kun dollar noqonayo, laakiin ka mid ah abaal marinaha ugu saamaynta badan, ardayda dugsiyada dalka Maraykankuna ugu jecel yihiin inay hantiyaan.

Gabadhan yar ayaa ka far fiicnaatay 51-kii arday ee dhamaan gobolada kala duwan ee Maraykanku ka kooban yahay laga soo kala xulay, waxaanay noqotay ardayada ugu farta quruxda badan uguna qoraalka wanaagsan dhamaan ardayda dugsiyada hoose ee dalka Maraykanka dhigata.

Toddoba Jir Bilaa Gacmo Ah Oo Ku Guulaysatay Tartanka Farta Ee Dugsiyada Dalka MaraykankaAnaya Ellick ayaa abaal marintan ay ku guulaysatay ay dad badani ku tilmaameen mid lagu siiyay naafo nimadeeda, balse aanay kasban oo dedaalkeeda aan lagu qiimayn, hasa yeeshee waxa doodaa diiday, akaadamiyada sare ee abaal marintan maamuusha oo warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay.

Guusha gabadhan yari gaadhay oo ay ku tilmaameen mid mucjiso ah oo kartideedu u suura gelisay, waxaanay baraha internet-ka ku baahiyeen, qaar ka mid ah qoraaladeedi ay tartanka kaga qayb gashay, oo sida ka muuqata koobsaday dhamaan shuruudaha guulaystaha tartankan looga baahan yahay.

Gabadhan yar ayaan wax artifishal ah iyo gacmo ama faro sanaaci ah aan midna isticmaalin, waxaanay tartan walba kaga qayb gashay, iyadoo wax ku qoraysa labadeeda gomad ee dhudhumadeeda ka jooga, waxaana lagu wadaa in dhawaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ku qaabilo si loogu maamuso guusha iyadoo naafo ah ay ka soo hoysay tartanka farta ee Maraykanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.