WorldRemitAds

Djibouti, June 3, 2016 (Saxafi/African Review) – Shirkadda isgaadhsiinta Djibouti iyo lix shirkadood oo kale oo ku midoobay magaca Djibouti Afrika Regional Express oo loo soo gaabiyo DARE, ayaa ku heshiiyey inay gobolka ku qabsadaan oo keenaan xadhiga Fibre Optic oo Xawaarihiisu aad u dheereeyo oo masaafadiisu tahay 5,500 km.

Wakaalladaha wararka ee ka faalooda isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada ayaa Arbacaddii Doraad bartoodda Internetka ku baahiyey heshiiskan ay todobadda shirkdood ee ku midoobay ururka DARE ku keeni doonnaan xadhiga Fibre Optic, kuwaas oo gaadhsiin doona magaalooyin ay Berbera ka mid tahay.

Heshiiskan ayaa dhacay bishii  May 26-keedda, 2016, kuwaas oo ku heshiiyey inay geeska Afrika gaadhsiiyaan xadhigan Fibre Optic, kaasi oo isku xidhi doona magaalooyinka Dar Es Salam, Mombasa, Muqdisho, Bossaaso, Berbera, Mocha iyo Djibouti, waxaana nidaamkani  macaamiisha siinayaa sida ay ku doodeen adeeg  jaban oo xawaare dheereeye leh, waxaanu isku xidhi doonaa dalalka qaaradda Afrika, bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

SomlegalAds

Xawaaraha xadhiga Fibre Optic ah ayaa quwaadiisa xawaare noqon doontaa 10 GB ama Gigabit,isla markaana awoodiisa gaadhaysaa  60 Tbps, sidoo kale qayb waliba ay fullin doontaa ama yeelan doonto nidaamka loo yaqaan Multiplexing Nodes oo ah nidaam kala xulasho ah oo loo yaqaan QADM sida ay ku sheegeen wakaaladaha ka faalooda arrimaha Tiknoolajiyadda.

“Ururka DARE waxa uu kor u qaadayaa koritaanka ganacsiga dalalka ka qayb qaadanaya, iyadoo bixin doonta adeeg adag oo la isku halayn karo iyo qiimo jaban.” Ayaa lagu yidhi Nuqul ka mid ah warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda isgadhsiinta ee Djibouti Telecom.

Waxa kale oo uu intaas raacisay  in nidaamkani uu siinayo xulashada loo yaqan Points of Presence (PoP) dalalka ay ka midka yihiin Djibouti, Yemen, Somalia, Somaliland, Kenya iyo Tanzania. Sidoo kale waxa uu bixin doonaan shirkaduhu adeeg hufan oo raaligelin doona macmiishooda dalalka ay ku sugan yihiin, waxa kale oo qandaraaska ku guulaystay oo loo xil saaray bixinta adeegan magaceeda la yidha TE Subom, iyadoo masuul ka noqoneysa mashruuca ururka DARE oo maalgelinaya.

7-da shirkadood ee ururka DARE oo ah shirkada Djibouti Telecom, Africa Marine Express, TeleYemen, Telesom, Hormuud Telecom Somalia, Golis Telecom iyo Somtel Group oo dhamaantood heshiiskaas saxeexay bishii May 26, sanadkii 2016.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.