WorldRemitAds

Tukaraq, Somaliland, July 09, 2018 (Saxafi) – Wefti culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, uuna ka mid yahay aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa shalay booqday ciidamada qaranka Somaliland ee jiidda hore ee Tukaraq Gobolka Sool.

Khudbad uu guddoomiye Baashe halkaas ka jeediyay,waxaa uu ku sheegay in ay Somaliland mar walba ku baaqayso nabad-gelyo iyo in laga gudbo collaadda ka oogan gobolkaas, laakiin, taas badalkeeda waxaa uu maamulka Puntland ku eedeeyay inay baaqa nabadeed u arkaan cabsi. Waxaana uu yidhi. “Aad baan idiinku mahad celinaynaa…:” waxaana uu intaas ku daray ka dib salaan iyo boggaadin uu ciidamada uga siday Madaxweynaha oo uu yidhi. “Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay xabad joojin iyo nabad, qoladan reer Mudug hadaad tidhaa nabad gelyo aan gaadhno waxaa ay u yaqaanaan inaad baqatay, maalin dhaweyd oo madaxweynuhu ku baaqay nabad geliyo waxaa ay yidhaahdeen Hasha Geella cunta ee cabaada. Madaxweynuhu nabad ayuu ku baaqay maaha macnaheeddu cabsi, dalkan aynu joognaa waa dal Somaliland ah. Lagana tagi maayo, ciidankuna waa joogayaa cid walbana waa loo sheegay, beesha Caalamku waa ogtahay. Afar qodob ayaa beesha caalamku inagu dhex gashay afartii qodobna Madaxweynuhu waa aqbalay. Mar walba nabadgelyo waa imanaysaa, waxaase fiican in nabaddu timaado inta khasaaruhu yaryahay. Cabdiweli iyo Ina Camay haddii aanay nabad rabina, indhahoodda oo shan ah ayay nabadu dhacaysaa.” Ayuu yidhi guddoomiye Baashe, waxaana uu intaas ku daray oo hadalkiisa ka mid ahaa. “Ismidda reer Puntland waxaa ay u badan yihiin dad fiican oo wax garad ah ayay u badan yihiin. Iyagana waxaan u sheegaynaa dagaal waxba tari maayo, Cabdiweli iyo Ina Camay muddo kordhin ayay rabaan. Waxay yidhaahdaan Tukaraq waa laga qaxay, todoba Kiilomitir ayaa loo jiraa in wax ka dheceenba ma moodin, Idaacadaha ayuun bay sideena ka maqlaan. Waxaan ku faraxsanahay in Prof Axmed indhihiisa ku arko waxaa jira.”

SomlegalAds

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu deeq xoollo ah gaadhsiiyay ciidamadda ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu ku yidhi. “Anigu inta aan ka aqaanno adduunyada iyo dhulkaa aan joogay, 59 waddan baan jaamacadahooda ka hadlay. Ciidamo, bilays ha noqdaan ama millateri ha noqdaane, meel walba laba amuurood uun bay u taagan yihiin. Waxaa ugu horreysa waxaa weeye daafaca waddanka dee, xadka waddanka in ay daafacaan, iyo nabadgelyada waddanka gudihiisa in ay ilaaliyaan. Taasina waa ta halkan idin keentay” Ayuu yidhi

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani iyo guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa iyana ka warbixiyay mashaariicda aagaas ka socota iyo in ciidamada Somaliland aanay dagaal u socon marnaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.