WorldRemitAds

Moscow, Russia, November 27, 2015 (Saxafi) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aan dalkiisu wax raali gelin ah ka bixinayn diyaaradii uu ka soo riday dalka Ruushka.

Balse ay iyaggu ka doonayaan Ruushku raali-gelin ka bixiyo hawadooda uu ku sameeyay faragalinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa daba-joogay hadal ka soo yeedhay dhigiisa Waddanka Ruusha, Vladmir Putin oo habeen hore shaaciyay in aanay Turkiga weli raallin-gelin ka siin diyaaraddii ay maalmo ka hor kasoo rideen, isagoo hoosta ka xariiqay in wax lala yaabo ay tahay in duuliyahoodii dhintay iyo diyaaraddii ay ka soo rideen ay madaxda Turkigu ku doonayaan inay xidhiidhkii adkaa ee ay la lahaayeen Ruushka ku jaraan.

SomlegalAds

Turkiga ayaa Talaadadii lasoo dhaafay soo riday diyaarad kuwa dagaalka ah oo Ruushanku uu leeyahay, taasoo nooceedu ahaa SUKHOI-24, kana mid ahayd diyaaradaha duqeymaha ka wada Suuriya, waxaana dhintay mid ka mid ah laba duuliye oo diyaaraddaas saarnaa. “Weli kama aanan maqal wax cudur-daar ah oo nooga yimid mas’uuliyiinta sare ee dalka Turkiga. Sidoo kalena ma jirto wax ballan-qaad ah oo ay ku sheegayaan inay ciqaabayaan ciidamadii diyaaradayada soo riday, ” ayuu yidhi Vladimir Putin oo intaas raaciyay. “Haddii hoggaamiyeyaasha Turkiga ay ku heshiiyeen in falkii ay diyaaradayada kusoo rideen inay ku jaraan xidhiidhka naga dhexeeya, taasi waa mid laga xumaado. ”

Putin ayaa mar kale yidhi. “Falkii laba casho ka hor uu Turkigu diyaaradayada oo maraysa gudaha Suuriya kusoo rideen, ma aha wuxuu sharciga caalamiga ahi qabo, waayo waxaa diyaaraddayada la soo riday iyadoo socota hawada Syria.”

SMadaxweynaha Ruushkaidoo kale, mas’uuliyiinta Ruushanka ayaa waxay sheegeen inay ka xun yihiin sharraxaad la’aanta xukuumadda Turkiga ee ku aaddan falkii diyaarada ay ku soo rideen, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid lagu dabrayo qorshaha ay kula dagaalamayaan argagaxisada. “Falkani wuxuu iila muuqdaa qorshe dawladda Turkigu ee falkii dhacay iyo raalli-gelin ka bixin la’aantooda mid ay ku difaacayaan argagaxisada gobolka ee aan dagaalka kula jirno,” ayuu mar kale yidhi Vladimir Putin.

Dhanka kale, Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Ruushka ee SU-24 ee ay soo rideen ay kusoo xad-gudubtay hawadooda, ayna dhowr jeer digniino siiyeen, balse ay iska dhiga-tirtay, ayna diyaaradahooda noocoodu yahay F-16 ay soo rideen. “Waxaan rumeysanahay in dalalka caalamka qaarkood ay taageero toos ah siiyaan kooxaha argagaxisada ah. taaasoo qayb ka ah waxyaabihii ay ku abuurantay kooxda ISIS oo dunida oo dhan ay maanta ka cabanayso dhibaatadooda, ” ayuu ku daray Putin hadalkiisa.

Hoggaamiyaha dalka Ruushka ayaa mar kale yiri. “Isku-day walba oo lagaga hor-tagayo in argagaxisada la laayo iyo ciddii taageero siisaba, waxaa loo qaadanayaa inay ka mid tahay argagaxisada dambiilayaasha ah. ”

Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkiisa raaciyay in loo baahan yahay in waddamada la dagaalamaya aragagaxisada ay sameystaan isbahaysi mid ah, ayna taageero u muujiyaan howlgallada uu Ruushku ka wado dalka Suuriya.

“Waxaan rajeynayaa in waddamada dunida ee ay dhabta ka tahay inay iska qabtaan arga-gaxisada caalamiga ah ay sameystaan isbahaysi mideysan oo leh ciidammo awood badan, ayna taageeraan howlgallada Ruushka ka waddo dalka Suuriya, ” ayuu hadakliisa ku daray Vladimir Putin oo xusay in arrintaas ay isku waafaqeen 15-dal oo isbahaysi la ah Ruushka.

Ugu dabmeyn, Vladimir Putin ayaa ku baaqay in loo midoobo wuxuu ugu yeedhay kooxaha argagaxisada ah ee dunida ka jira, sida kuwa Masar, Nigeria, Mali iyo kuwii ka dambeeyay dhacdooyinkii diyaaraddii Ruushka ee Masar lagu soo riday iyo sidoo kale kuwii weeraray Paris.

Hadalkan ayaa ka cadhaysiyay madaxweynaha Turkiga oo isna tan ah ciqaabta ciidamadii riday diyaaradda Ruushka kaga jawaabay, “Ciidanka wadday diyaarada F16-ka ahi, waxaa ay gudanayeen waajibkooda qaran, ” Ayuu yidhi isga oo u jeeda markii ay rideen diyaaradda Ruushka ah oo 17 ilbidhiqsi ku jirtay hawada Turkiga. “Waa iyagga kuwa ay tahay inay raaligalinta bixiyaan eek u soo xadgudbay hawadayada. Ciidankana waxa masuuliyadi ka saarantahay inay difaacaan hawaddooda” Ayuu yidhi Mr Erdoğan oo u waramay CNN

Xiisadan ayaa sababtay in durba xilaaqaadkii labada dawladood xumaado, iyaddoo Ruushku hakiyay gabi ahaanba dalxiisayaashii dalkiisa eek u socday Turkiga oo sanadkiiba gelin jiray dalkaas lacag lagu qadaray ilaa 4 Bilyan oo dollar, sidoo kale, waxaa uu hakiyay mashaariic heshiis lagu ahaa oo uu ka mid yahay dhismaha xarun awooda Quwadda Nukleerka dam ka dhalisa oo Turkiga laga wadday, kaasoo ku kacayay lacag lagu qadaray illaa 20 Bilyan oo Dollar. Iyaddoo sidoo kale, Ruushku keenay xuduudka Siiriya iyo Turkiga Gantaalaha difaaca hawadda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.