WorldRemitAds

“Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland”Dawladda Turkiga

Hargeysa, Somaliland, November 24, 2015 (Saxafi) – Dawladda Turkiga ayaa iska fogeysay eedayn loogu jeediyay inuu burburinayo Somaliland.

Wararka la xidhiidha abaabulka Turkiga

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in Turkigu dhinaca odayaasha u wareejinayo wadda-hadaladii Somaliland iyo Somaaliya.

SomlegalAds

Warancade iyo Qunsulka TurkigaTusaale ahaa, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo warbaahinta kula hadlayey magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya doonayaan in wada hadalkii socon waayey ay u wareejiyaan bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka, waxaanu uga digay ciddii ka qaybgasha shirarkaasi Soomaaliya.

Wasiir Waran-cadde oo eedeynta Turkiga ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu jawaab ka bixinaynaa mu’amaro la doonayey in lagu dumiyo Somaliland, waxaanay in muddo ah ka shaqaynayeen Turkiga iyo Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii loo marin habaabin lahaa madax banaanidda iyo midnimada Somaliland”

Wasiir Waran Cadde ayaa sheegay in dawlada Turkiga isku meeqaam dhigtay Somaliland iyo dadka Kurdiska ah ee madax banaanidda raba, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxay Turkigu dalkooda ku qaban jireen wada hadalo u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya  oo aanu u fahanay ujeedadadda shirarkaasi kuwo lagaga meeqaam dhigayo bulshadda Kurdiska ah ee gumaadka iyo foolxumada ku hayso Turkigu oo runtii haddii ay doonayso inay na kala saarto in dadka Turkiga ah ee dhibaataysan ay wax ka qabato, waxa dawlada Somaliland iska garatay dabindaabyaddaasi ku jirtay shirarkaasi waxayna ka maagtay wada hadalkii Turkiga ka socday inuu sii socdo, waxaanu shakigaasi aanu u bandhignay beesha caalamka waxaanan u sheegnay in meel dambe oo Turkiga kaligii joogo ku wada hadli doonin anaga iyo Soomaaliya balse madal caalamku u dhan yahay ku wada hadli karno”.

Wasiirku wuxu bulshadda iyo madax dhaqameedka uga digay inay ka qaybgalaan shirarkaasi, “Waxaan u sheegay Turkiga inay dalkan matasho dawlada ay umadu dhisatay, shacabkeeda ka wakiil ah codkii dadkay ku timid cid kale oo ku meteli kartaa shirar danta iyo mustaqbalka lagaga hadli karo cid kale oo awood u haystaa ma jirto”.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan Bulshada ku baraarijinayaa hadii ay tahay salaadiin, hadday tahay qaybaha bulshada ee kala duwan in aanay dheg u dhigin dhawaaqyada hagar daamada ah ee ka soo horjeeda qaranimada iyo wada jirkooda ee ka soo fulaya Turkiga iyo maamulka Soomaaliya, waxaan uga digaynaa dawlada Turkiga in aanay soo faro galin siyaasada Somaliland, dib baanan uga fiirsan doonnaa xidhiidhkii u dhexeeyey  Turkiga iyo Somaliland, waxaanan caalamka u sheegayaa in aanay ka mid ahayn nidaamka Soomaaliya ka socda iyo doorashooyinka Soomaliya loo qabanayo, dadka Soomaaliya tagay waa dad aan damiir lahayn oo u shaqo tagay wadankaasi, maaha kuwo matalaya qaranimadda iyo umadda Somaliland”.

Jawaabta Turkiga

Dhinaca kale, War-qoraal ah oo uu Xalay soo saaray Qunsulka guud ee Somaliland u joogga dawladda Turkiga Muzaffer Yüksel ayaa lagu sheegay in aan dalwadda Turkigu waddin sida hadalku u dhadhamayo talaabooyin lagu wadda hadashiinayo odayaasha Hargeysa iyo Muqdisho. Waxana uu u dhignaa qoraalkaasi sidan: “Warsaxaafadeed ku saabsan War ay qortay Saxaafada Maxaliga ahi 23-kii November 2015, kuna saabsanaa Wadahadalada uu Turkigu dhexdhexaadinayo ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay  ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi ku soo baxay saxaafada maxaliga ahi  dulucdiisuna ahayd ‘Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo’ in warkaasi aanu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marrin habaabin ah. Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland, umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan. Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga. Mar labaad, waxaanu salaan diiran u diraynaa, isla markaana jecelnahay in ay guuleystaan bulshada reer Somaliland.

Allaa Mahad Leh,

Muzaffer Yüksel

Qunsulka Guud”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.