WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, December 24, 2017 (Saxafi) – Magaalada Boorama ayaa mudooyinkan danbe waxa ku soo badanaya tuugada gaadiidka yar yar ee nooca raaxada ah, iyadoo dhinaca kalena ciidamada nabadgelyada waddooyinku bilaabeen hawlgallo lagu baadi goobayo tuugadaasi.

Inta la ogyahay ugu yaraan shan gaadhi oo nooca yar yar ee loo yaqaan Indhacaddaha ah, Landcruiserro, iyo Surfyo ayaa laga kaxaystay suuqyada iyo xaafadaha hortooda, kuwaasoo qaarkood laga helay daafaha magaalada, qaarna la waayay halka kuwa kalena lagu galay shilal dad ku dhinteen burbur maaliyadeedna sababeen.

Gaadiidkan la xaday ayaa qaarkood lala tegey magaalada daafaheeda laguna furfurtay, qolofkoodiina goor dambe la helay.

SomlegalAds

Tuugadan gaadiidka inta badanna ka kooban ugu yaraan laba qof ah, ayaa waxay wataan furayaal gaadiid badan ay ku kaxaysteen, mana jiraan ilaa imika dad loo soo qabtay arrintaasi, balse ciidamada nabadgelyadda waddooyinka ayaa magaalada ayaa wada hawl-gallo lagu baadi goobayo tuugadaasi magaaladana ka samaystay dhawr is baaro oo lagu joojinayo Darawalada gaadiidkaasi, lana weydiinayo buugga lahaanshaha gaadhiga iyo sharciga waddo maristaba haddii intaa laga waayana saldhigga ku xidhaya gaadiidkaasi iyo cidda wadatayba ilaa caddaymo loo helo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.