WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 20, 2012, (Saxafi) – Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa mar kale soo hujuuntay Tuug farsamo casri ah adeegsanaysa oo dadka shacabka ah lacag kaga urursanaya Fiisayaal iyo sharciyo been ah oo ay u sheegayaan inay ka heleen waddamada Ingiriiska iyo Maraykan, ka dib markii hanaan Bakhtiyaanasiib ah la galiyay dad badan Lanbaradda telefoonadooda.

Tuugadan casriga ah oo dadka ay la soo xidhiidheen isugu sheegay inay ka mid-yihiin Saraakiil ka tirsan Safaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanku ku leeyihiin magaaladda Nayroobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ay ka dalbadeen dadka ay la soo hadleen inay soo diraan Lacag kooban.

Qaar ka mid ah dadka ay soo weerareen oo Wargeyska Saxafi ka warhelay ayaa cadeeyay in maanta qorshuhu ahaa inay diraan lacagta laga doonayo.  “Telefoon ayaa I wareeriyay oo aan qaban waayay dabadeed, waxaan tusay gabadh la yidhaa Khadra Maxamed Cabdi oo iyana ay show hore uga soo waceen Telefoon ay hal Nabar ku kalla duwanyihiin. Waxay igu tidhi, waa Nayroobi oo niman ayaa igala soo hadlay anigaba oo igu yidhi Bakhtiyaanasiib ayaad heshay oo waxaa kuu yaala Nayroobi Tigidhi iyo Fiise Maraykan ah. Dabadeed, waxay tidhi bal adna ku celli waxay yidhaahdaan markaan ku celiyay waxay igu yidhaahdeen ana sharci ayaa kuu yaala Keniya, kaas oo ah Fiise iyo Tigidh Ingiriis.

SomlegalAds

Ninku waxaa uu na yidhi waxaan ka mid ahay hawlwadeenadda Safaaradda Nayroobi ee Ingiriiska, markaa waxaa weeye in Waraysi lagaa qaado si laguu hubiyo, waxaanad yeelaysaa  Lacag ku soo shubo Telfoonka Aroorta ayaanu Waraysi kaa qoraynaaye…haddii aad caruur leedahay addiga iyo caruurtaba. Waxaan weydiiyay wax lacag ah miyaa la’ga rabaa, waxaa uu yidhi Lacagyar oo cashuurta dalka Kenya ah oo 75-dollar ah ayaad Bari (Maanta) soo xawilayaa…”Sidaas waxaa tidhi Khadra Jaamac Cali oo ka waramaysay sidda Tuugtani ula soo xidhiidhay, waxaa ay sheegtay inay sidoo kale gabadha kale lacag intaas oo kale ah ka dalbadeen, waxaana ay intaas ku dartay inay is weydiisay halka ay telefoonadda ka heleen iyo sidda ay ku galiyeen Bakhtiyaanasiibka., “Ninka nala soo hadlayay waxaa weeye nin ku hadlaya Lahjad ay ku hadlaan dadka reer Koonfureedka ahi magaciisa oo saddexana waxaa uu iigu sheegay Cali Cumar Cabdi, waxaa uu yidhi Nambarkaaga waxaan ka helay shirkadaha Telefoonadda ayaan ka qaadnay 250 Nambar oo aanu gelinay bakhtiyaa nasiib, markaa 100 qof ayaa ku guulaystay, kuwaas ayaad ku jirtaa.”

Khadri waxay tilmaantay in intii ay ku jireen haddal-haynta arrintan ay sidoo kale la kulmeen Wiil u yimi oo u sheegay in isagana laga rabo Lacag uu kaga xidhanyahay sharci. “Wiil kale ayaa haddana noo yimi isna 250 dollar ayaa la’iga rabaa ayuu yidhi ninkaas kale ee isna lala soo xidhiidhay waxaa la yidhaa Maxamuud Jaamac. Markaa waxaanu u aqoonsanay Budhcad-sharciyeed…soo hujuuntay Hargeysa.” Ayay tidhi. Waxaa kale oo ay sheegtay in qofka la soo xidhiidhay isaga oo garanaya Inay Hargeysa tahay meesha uu kalla soo hadlay uu weydiinayay Afrika halka ay ka joogaan. “Waxay igala soo hadleen 00254707683829…, waxaana ay I yidhaahdeen ku shub oo u xawil lacagta Nambarka ah 0713011638” Ayay tidhi.

Beenta sharciga ee cusub waxaa ka horeeyay oo Baryahanba dadka madaxwareer ku ridday kooxo aan illaa hadda warbaahintu ka sal-gaadhin guntoodda oo dad badan oo reer Somaliland ah u diray Tiriigyo iyo Kaawiyaddaha dharka oo waa hore la isticmaali-jiray uuna farsameeyay Talyaanigu, kuwaasoo dadka loogu sheegay faa’iidooyin kalla duwan oo ay ka mid-tahay in laga helay Maadooyin macdan ah oo hadda la ogaaday, iyaddoo qofkii keena laga siisanayo lacag Kumanyaal dollar ah. Taasoo aan la hayn illaa hadda ruux laga iibsadday, balse la ogyahay dad badan oo hubsiimo la’aan isku kharash gareeyay baafintiisa. Siddoo kale, waxaa hore u jiray oo dad badan dawikhiyay, lacago aan jirin oo lagu hunguri geliyo dadka adeegsadda Email-ladda, kuwaasoo tuug gaamurtay inta ay u soo dirto fariimo ay ugu sheegayaan arrimo ka farxiya oo xidhiidh dheer ka dib ku dhamaadda lacag aakhirka lagaga qaado ruuxan la khiyaameeyay ee rumaysta beenta.

Maaha markii ugu horeysay ee Somaliland arrintani ka soo shaacbaxdo, balse, waxaa ugu cuslaa oo dhibaataddii ugu weyneyd keenay Mashuuc la baxay Jiif oo jaq oo lagu waayay Lacag ka badan 10 Milyan oo dollarka Maraykanka ah, taasoo lagaga urursadday dadka hanaan iska dabawareeg ah. Waxaana dhacdadaas oo sanadihii aynu ka soo gudubnay si weyn u saameysay ummad badani markii ay fashilantay keentay in July 19, 2011 Maxkamadda Hargeysa soo saarto Xukun xadhig iyo ganaax lacageed ah oo la saaray 16-dumar ah oo ka mid ah haweenkii hawshan ku lug lahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.