WorldRemitAds

Wajaale, Somaliland, April 26, 2018 (Saxafi) – Afhayeenka Ganacsatada Tog-Wajaale Xasan Axmed Maxamuud ayaa ugu baaqey Madax-dhaqameedka iyo Bulshada Gobolka Gabiley, in ay dareen Diidmo ah ka Bixiyaan Talaabaddii uu Suldaanka Gabiley ka soo Jeeda Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi ugaga qeyb galey Munaasabdii ay ku Kulmeen Moorgan oo Golaha uu ka tirsan yahey ee Guurtidu ku anshax Mariyeen arintaas, oo Qaranimadda iyo Milgaha Magaca uu huwan yahey ee Gobolka iyo mida Xildhibaanimoba ku aheyd Meel ka dhac uu dalka iyo dadkaba ka Galey.

Xasan Axmed Maxamuud, afhayeenka Ganacsatada Tog-Wajaale oo u warmay Cabdiraxmaan Hiiraan ayaa sheegay in ay arinkan Suldaanka iyo Talaabada uu kaga Qeyb galey Caleemasaarkii Puntland ee uu Goob jooga ka ahaa, Morgan ay wax badan ka arinsadeen sidaa daraadeedna ay isla qaateen in lagaga dareen celiyo jawaabta ku haboon Bulshada Somalilandna, loo muujiyo in aan raali lagaga aheyn talaabadaasi isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi. “Anigoo ah Xasan Axmed Muxumed,oo ah afhayeenka Ganacsatada Tog-Wajaale kuna  hadlaya Afka Ganacsatada  Tog-Wajaale waxaan ka tacsiyeynayaa Bulshada Reer Somaliland, Waxgaradka haldoorka, aqoonyahanka,iyo Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley iyo ka Degmada Tog-Wajaale talaabadii uu Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ah Xubin katirsan Golaha Guurtida Somaliland isamarkaana, huwan maamuuska iyo Magaca Saldanada Gabiley maadaama, ay fajiciso nagu noqotey in uu Meel lasoo fadhiisto Moorgan oo Gabiley iyo Somalilandba Dambiile ka ah iyadoo Masuuliyadda iyo Magaca uu Huwan yahey Suldaanku uu meel kaga dhacey, Waxaanu marka hore ku hambalyeyneynaa Talaabada Golaha Guurtidu ka qaadey,iyadoo lama filaan ah in Suldaan Ismaaciil,oo kasoo jeeda beelweyn oo aan baahi u qabin Socdaalka dheer iyo madasha uu ka qeyb galey halkaa taggo, iyaddoo Reer Gabiley kamid yihiin shacbiga Somaliland ee hagardaamadda iyo dhibta culusi kasoo gaadhey Taliskii Siyaad Barre ee Mogan Madaxda ka ahaa waana arin Somaliland oo dhan iyo Gabiley oo dhami wax iskaga weydiineyso,halka ay Suldaanka wax si kaga noqdeen,waxaan is leeyahey waar tolow Suldaanka ma Masaakiintii Tog-Wajaale ee uu barakaciyey ayey wax ka sibqeen, Waxaan Salaadiinta Gobolka Gabiley ee uu Da, Weyn yahey Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale u soo jeedinayaa,in ay ka dareen celiyaan meel ka dhaca Suldaanku ku muteystay arintaasi”Ayuu yidhi

SomlegalAds

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa “Golaha Guurtida Waxaanu ka Codsaneynaa,Waxgaradka,iyo Mudakarka,iyo Musdambeedka Gobolka Gabiley kasoo jeedaa wey badan yihiine,waa in aaney halkaa kaga hadhine ay diyaariyaan Badelkiisa si aaney Xildhibaanada kale,ugu dhiiran talaabo qaran dumus ah oo noocan ah”Ayuu yidhi Xasan Axmed Muxumed afhayeenka Ganacastada Tog-Wajaale.

Gabagabadiina isagoo,Salaadiinta Gobolka Gabiley usoo jeediyay,in ay iyaguna ka hadlaan arintan,si aaney ugu muuqanin in ay la qabaan arintan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.