WorldRemitAds

Ciyaar dhaqameed laga ciyaaro dalka Indonesia oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay ee dalkaas, ayaa hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta dhaqanka iyo daba galka aataarta qadiimka ah ee UNESCO, ay dhawaan ku dartay ciyaaro dhaqameedyada dunida ee loogu jecel yahay isla markaana dabar go’a ku dhow.

UNESCO ayaa calaamadisa had iyo jeerna isku hawsha dhaqamada iyo arrimaha aadimaga ee dabar go’aya ama ay laga cabsi qabo in dunida laga waayo, waxyaabaha ay hay’addani diiwaan galiso waxa ka mid ah seerayaasha dunida ugu waaweyn sida seeraha xayawaanka iyo ugaadha lagu dhaqaaleeyo ee dalka Tansaaniya ku yaalo ee loogu yeedho Sarangati.

Ciyaartan kunka gacmood ayaa waxa laga ciyaaraa dalka Indonesia waana ciyaar dhaqameed, waxa la ciyaara wakhtiyada midhaha ama dalaga beeruhu soo go’, oo lagu maamuso qodaalka, waa mid fadhi iyo sara joogba lagu ciyaaro, waana ciyaar lagu damaashaado oo ka dhacda goobaha beeralayda iyo qodaalka ah.

SomlegalAds

Sida la sheegay ciyaartan waxa u ah sharci in la qaado hees ay leedahay waa in kun qof ka qayb galaan waana in lagu ciyaaro goob qaadaysa dadkaas oo dhan oo laga wada arkayo, wakhtiga kunka gacmood la taagayo waa in dhamaan la fadhiyaa oo laba kooxood loo kala fadhiyaa laguna sameeyaa qaab gacmaah mar la wada qaadayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.