WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) – Munaasabad lagu beegay maalinta caalamku u aqoonsaday Xuska ilaalinta xuquuqda aadamaha ee 10-ka December ayaa shalay lagu qabtay Huteel Haldoor ee magaalada Boorama.

Urur MaxaliMunaasabaddan oo u soo qaban qaabiyay Ururka maxalliga ah ee SOSTA ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha dawladda ee Gobolka Awdal, masuulyiinta Golaha deegaanka Boorama, xubno ka socday qaybaha dadweynaha Boorama iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka Sosta Cabdiqani Cabdillaahi Kaahiye ayaa ka hadlay ujeedada laga leeyahay xuska maalintan muwaadiniinta dalka iyo adduun weynaha qiimaha ugu fadhidda, isagoo sheegay in ururkiisu in muddo ahba ku hawllanaa dabagalka iyo la socodka xadgudubyada loo geysto xaqa muwaadiniintu u leeyihiin xorriyatal-qawlka, cibaadada iyo xadgudubyada loo geysto hablaha sida kufsiga, magangelyo doonka iyo arrimo kale, isagoo dhinaca kalena guddoomiyuhu sheegay inay tiro koobaan xadgudubyadaasi, lana xidhiidhaan cidda ay khuseeyaan wax ka qabashadoodu.
Urur MaxaliXuska maalintan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Maayarka Boorama oo ururka SOSTA iyo hay’adaha hay’adaha NRC iyo midowga yurub ee ka caawiyey qabashada xuskan ku ammaanay dedaalka ay ku doonayaan inay kor ugu soo qaadaan wacyi gelinta xuquuqda muwaadiniinta iyo kuwa magangelyo doonka ah.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadashay isuduwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha qoyska Farduus Sheekh Siciid, odayaal iyo waxgarad kale.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.