WorldRemitAds

Boorama. Somaliland, March 19, 2012, (Saxafi) – Ururada siyaasaddaSomalilandayaa shalay  xarumahooda magaalada Boorama ku soo bandhigay cududda taageerayaasha mid kastaaba mustaqbalka ka filan karo gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorama.

Sidda uu ku soo waramay Wariye Maxamed Cumar Sheekh,Shalay oo loo ballansanaa madax taabashada taageerayaasha ururada siyaasadda ee magaaladda  Boorama ayaa dhinaca kale waxaa ka muuqday wacyigelin la’aanta guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda oo sababtay in  si khaldan loo fahmo shuruuradaha ku xidhan sidii ururadu uga qaybqaadan lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka ee soo socda, taasoo ah in urur kastaaba in ka badan kun taageere ku soo gole joojiyo xarumihiisa.

Munaasabaddaha shalay ururada siyaasaddu ku soo bandhigeen taageerayaashooda ayaa  waxa ka qaybgalay madaxda sar-sare ee urarada siyaasadda Somaaliland qaarkood, halka kuwa kalena ay hawshooda Boorama ee shalay uga hadheen wakiiladooda ama musharraxiinta reer Awdal kaga jira ururadaasi, iyadoo shalay ay madaxtaabashada taageerayaasha kala qayabqaateen  guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cirro), muj.Cabdiraxmaan Aw Cali  oo kala qayb-galay urur siyaasadeedka UDHIS iyo Dr.Maxamed Cabdi Gabboose, Guddoomiyaha Ururka Ummada iyo waliba guddoomiyaha Ururka Dalsan Ismaaciil Aadan Cusmaan.

SomlegalAds

Guud ahaan marka la eegto sida ururada siyaasaddu Boorama ugu soo badhigeen taageerayaashooda  ayaa dhinaca kale  u ekeyd dhoolatus mid kastaaba ku soo bandhigayey taageeradiisa, iyagoo qaar ka mid ah ururadaasi ay xarumahooda buuxdhaafiyeen taageerayaasha  u diiwaangeshan iyo kuwa u socday is diiwaangelinta.

Ururada  UDHIS, Waddani iyo  UMMADA ayaa u muuqday inay yihiin kuwa ugu miisaanka badnaa magaalada Boorama, marka loo eego 12-ka kale ee urur siyaasadeed.

Gebogebadii tirakoobka madaxtaabashada ah ee guddiga diiwaan-gelinta ayaa  Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali oo la hadlay taageerayaal kumaankum kor u dhaafayay oo buuxiyey gudaha iyo debedda  xarunta ururkaasi ku leeyahay Boorama uga mahadceliyey sida ay ugu muujiyeen taageerada, isagoo xusuusiyey inaanay shalay oo ahayd bilowga dagaal siyaasadeed ku ekaanin. “Dagaalkaasi wuu danbeeyaa tanina waa tii lagu gaadhayay uun doorashooyinka golayaasha deegaanka.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ururka Waddani Cabdiraxmaasn Cirro ayaa isna la hadlay taageerayaashiisa una mahadnaqay.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa warku sheegay inuu dib ugu soo laabtay Harageysa wax yar ka ddib markii guddiga diiwaangelinta ururaddu xaruntiisa booqdeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka diiwaangelinta Cabdirasaaq Ciyaale oo dhamaadkii  madaxtaabashada la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay hawshaasi Boorama uga dhacday si nabadgelyo ah, loona baahanyahay inay gobolada kale ee dalku ku daydaan, sida Hargeysa oo kalle.

Guddoomiye Ciyaale ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada amniga iyo ururada siyaasadda masuulyiintooda. Dhinaca kale, marka la eego guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa hawshii shalay ay Boorama ka qaabteen ahayd mid muujinaysa sidda warku sheegay in wax badan oo waayo aragnimo ahi ka dhimanyihiin, iyaddoo ay muuqatay in tiro yaraanta xubnaha guddiga heer Qaran oo 7 ahaa ay ku adkaatay inay mar kalli ah wadda booqdaan 15-ka xarumood ee Boorama ururada uga furan. Iyaddoo ay  u baahnaayeen inay ka hawlgalaan 15 xubnood, waxayna tiro yaraanta iyo waayo aragnimo la ‘aantu keentay in ururada  qaar ka mid ah xarumaha ay soo madaxtaabteen ay taageerayaashoodu u cammiraan xarumaha ururro kale oo aan la gaadhin. kuwaasoo isu keeni waayey kunka qof ee laga doonayey in lagu buuxiyo shuruudaha u degsan ururada ka qaybqaadan kara doorashooyinka Golayaasha deegaanka, waxayna daabulka xarumaha dhexdoodu ka dhacay iyo xataa dad Basas laga qaaday magaalooyin ay ka midtahay Hargeysi sababeen in qaar ka mid ah ururadaasi ka been sheegaan shuruudaha  xeerka ururada. Sidaana, ay isugu dhigaan hay’addo haysta taageerayaal ku filan oo u qalma in ay u gudbaan wareegyada kale. Iyaddoo ay ku adkaatay guddiga inay mar kale ah wadda joogaan goobaha ama ciidan xayira daabulka geeyaan xarun kasta.

Dhinaca kale, jawiga magaalada Boorama ayaa warku sheegay inuu ahaa mid mashquulsan oo aanay cidi cid haleelayn, marka la eego xaraaradda ururada siyaasadda, iyadoo dhinaca kalena, ururro habeen hore uun furtay xarumo ay la tacaalayeen biyihii, calamadii iyo adeegyadii xafiisyada cusub.

Kirada guryaha  iyo mashquulka makhaayadaha wax laga cuno ayaa iyaguna daba qabsi ahaa shalay, iyadoo dad badan oo bilaa camal ahaana shalay dhaqdhaqaaq ka heleen nolo maalmeedkooda.

Si kastaba ha’ahaatee guddiga diiwaangelinta ururadda Siyaasadda oo sharcigu siiyay awoodda shaacinta ururadda ku soo baxay ee sharciyan buuxiyay shuruudihii laga doonayay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.