WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, July 21, 2018 (Saxafi) – Ururka Al-Shabaab ee buuraleyd Galgala ayaa shalay la wareegey tuulada Af-Urur oo 100 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magalaada Boosaaso xarunta ganacsiga maamul-goboleedka Puntland ee Somalia.

Warbaahinta ururka Al-Shabaab ayaa baahisay in ciidamo ay leeyihiin la wareegeen deegaankaas.Ciidamada Puntland oo saldhigga ku lahaa Af-urur ayaa isaga baxeen doraad.

SomlegalAds

Tuulada Af- urur oo ku taal goob istaraatiiji ah ee laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa kooxdanbuuraha Galgala ayaa waxaa loo sababeynayaa ka bixistooda degaankaas mushahar la’aan la soo gudboonaatey iyagoo u ruqaansadey dhanka tuulada Kalabaydh.

Ururka Al-Shabaab oo dagaal dhumaaleysi ah kula jira ciidamada Puntland ayaa hore weeraro ugu qaadey tuuladaas kuwaas oo khasaare kala duwan gaystey.

Kooxdaan ayaa sanadkii 2017 waxay Af-urur ku qaadeen dagaal kadis ah halkaasoo ay ku dileen 50 qof oo isugu jirey ciidamo iyo shacab daganaa tuuladaas.

Qabsashada Af-urur ee Ururka Al-Shabaab oo aan aheyn markii ugu horeysay ayaa imaaneysa xilli ciidamadii Puntland la isgu keenay difaac ay kaga jiraan Tukaraq halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intii uu la wareegey hogaanka Puntland ee Somalia waxaa sii xoogeystey weerarada Ururka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama qaybo kamid ah gobolka Bari ee maamulkaasi ku qaadaan ciidamada Puntland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.