WorldRemitAds

Ururka nidaamka musqulaha ee dalka Jarmalka ayaa dawladooda gaadhsiiyay, cabasho ku saabsan suuliyada oo ay ka soo wariyeen dadka qaxootiga ah ee dawladoodu qaabishay, deganaashana laga siiyay dalkaas.

Ururka “German toilet Organization” ayaa qaabka suuliyada Jarmalku caqabad ku noqdeen dadka qaxootiga ah, sababtoo ah, waxa ay si buuxda uga soo hor jeedaan dhaqanka iyo diinta dadka qaxootiga ah.

MusqulSida ururkani sheegay inta badan dadka Muslimiinta ahi, marka ay xaajo gutaan, waxa ay isticmaalaan biyo ay ku isku nadiifiyaan, taas oo ay ku istijoodaan, laakiin ma isticmaalan waraaqaha musqulaha ee laga isticmaalo dalka Jarmalka.

SomlegalAds

Ururkan ayaa ku baaqay in dadka qaxootiga ah meelaha la dejiyo looga sameeyo, suuliyo ku meel gaadh ah, oo la jaan qaadi kara, dhaqanka iyo diintooda, looguna sameeyo biyo lagu istijoodo, taas oo dhibaatada ka haysata suuliyada ay kaga bixi karaan ayuu yidhi ururkani.

Sida warbaahintu ku warantay qorshaha cusub ee ururkani soo jeediyay ayaa u baahanaysa lacag tiro badan oo lagu daro, miisaaniyada loo qoondeeyay dadka qaxootiga ah, waxaana suura gal ah in aanay talo bixinta ururkani xiiso badan u yeelanayn dawlada dalkaas, sida looga jawaabana ay aad u adag tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.