WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland August 5, 2016 (Saxafi) – Ururka shaqaalaha Somaliland oo ah urur u dooda iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha kala duwan ee Somaliland, ayaa taageeray go’aankii xubnaha golaha wasiirada Somaliland ay ka gaadheen in shaqaalaha ka hawlgala dekadda Berbera la dhimayn, islamarkaana waxbana laga bedelayn marka shirkadda DP World la wareegto maamulka dekadda.

Dhowaan ayey ahayd wefti ka mid ah golaha Wasiiradda oo dhowaan ku tagay magaaladda Berbera, kuwaas oo kulamo la qaatay muruqmaalka dekadda Berbera ka shaqeeya oo ka cabanayey shirkadda DP world inay shaqada ka eridda marka ay la wareegto dekadda.

Gudoomiyaha ururka shaqaalaha Somaliland Maxamed Axmed Gaboose oo  warbaahinta la hadlay, ayaa baaq cabasho ah u direy xukuumadda Somaliland, isago sheegay in mudooyinkii u dambeeyey ay dalka ku soo qulqulayaan shaqaale ajanibi ah, isago sidoo kale baaq u direy shaqaalaha wadaniga u dhashay dalka Somaliland in ay muujiyan isku dubnaan iyo midnimo, waxana hadalkiisu uu dhigna sidan “Waxa aan ugu baaqaya shaqaalaha reer Somaliland in ay adkeeyana midnimadooda iyo isku dubnidooda ilaalashadan hadday taasi liicanto cidna ha eersanina, waxa kale oo xukuumadda Somaliland ugu baaqaya inay ku dadaalaan ilaalinta shaqaalaha wadaniga ah.

SomlegalAds

Waayo shaqaalihii ajaanibka ayaa ku soo badanaya sida shaqaalaha ajaanibka ka hawlgala ururada samafalka ee caalamiga ah (international NGO’s iyo kuwa hay’daha caalamiga ah) imikana waxa ay ku soo socdaan hadaan laga gaadhin oo shaqaalaha laga qaban in ay shaqaalaha dowliga ah ka mid noqdaan sida ay ku socoto, waxa weeye shaqaalaha dowlada iyo ururada shaqaalaha dowladdu taageero iyo kaalmooyin ha u samayso. Xaga noloosha shaqaalaha iyo mushaharka ay qaataan aanay isku dhigmin horena waanu u sheegnay imikana waanu ku celinayna, shaqaalaha marka aad isbarbar-dhigtid mushaharka shaqaalaha dowladdu ay qaataan loo eego kirada guriga iyo in yar ay iskaga bixiyan iskuulada ayuunbay kifeenayso iyo nolosha shaqaalaha dowliga ah ma kifeenayso, marka xukuumadda waxa aanu ka codsanayna in mushaharka shaqaalaha loo kordhiyo dibna loo eego.”

Dhinaca kale, gudoomiyaha ururka shaqaalaha Somaliland ayaa sidoo kale hambalyo iyo taageero isugu jirta u direy weftigi xubnaha wasiirada xukuumadda Somaliland ka tirsan ku taageen magalada Berbera islamarkana ay la kulmeen shaqaalaha dekada Berbera, waxana hadalkiisu u dhigna sidan “Waxa aanu tageerayna go’aankii weftigi wasiirada dhowan u safray magaalada Berbera ee shaqaalaha dekada la kulmay oo cadeeye in aanay jirin qof shaqadiisa waayeya, iyado ay ugu si muhimsanayd haddii maalgashi la sameynayo oo maalgashigaasi u cawarayo nolosha, jiritaanka iyo xuquuqda shaqaalaha intaba haddii uu cawarayo in aan maalgashiga dani inoogu jirin, laakinse waxa aanu jecelnahay in sida lagaga dhabeeyo anago ku hambalyeyna xubnaha wasiirada ah go’aankii ay gaadheen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.