WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2015 (Saxafi) – Kulan kor loogu qaadayey qaabka loola dhaqmo qaxoontiga Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Colaadaha ka socda dalka Yemen oo ay maal-gelintiisa lahaayeen, Hay’daha Caalamiga ah ee UNHCR iyo NRC, fulinayayna Ururka wadaniga ah ee Vosomwo, ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Kulan hawleedkan ayaa waxa ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka kala socday wasaaraddaha dib u dejinta Somaliland iyo Diinta iyo Awqaafta, Madaxda dhaqanka iyo Hoggaanka Ururka Wadaniga ah ee Vosomwo.

Ugu horeyn waxa tababarkan furay, Suldaan Naasir Suldaan Ismaaciil oo ka warbixiyey ujeedada kulankan tilmaamayna inuu yahay waajib qaran oo ina wada-saaran sidii dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararay colaadaha Yemeni inooga baahan yihiin soo dhoweyn, waxaanu yidhi: “Maanta waxaynu halkan iskugu nimmi ilaalinta xuquuqda ama barakacayaasha, oo waynu wada-garanaynaa barakaca dhibkiisa waynu soo marnay, in la ilaaliyo xuquuqda bini-aadamka illaahay ayaa sugay mid degan iyo mid barakacsan-ba inaynu ilaalino karamayno oo wax walba oo illaahay qof siiyey-ba u ilaaliso, haday cirdigiisa tahay iyo haday maalkiisa tahay-ba siiba dadka soomaaliyeed ee aynu jaarka nahay. Waa waajib ina wada-saaram, siiba dad-yawgii dhowaan inagaga yimmi dalka Yemen ee colaaduhu aafeeyen”.

SomlegalAds

Waxa kale, oo kulankan ka hadlay sarkaal sare oo ka tirsan ururka wadaniga ah ee Vosomwo, kaas oo ka warbixyey nuxurka kulan-hawleedkan oo ah mid laba maalmood socon doonaa iyo waxyaabaha ay dadka ka wacyi-gelin doonaan.

Faysa Cabdilahi oo ku hadashay af-ka Ururka Wadaniga ah ee Vosomwo waxa ay si kooban uga hadashay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xaqooda-na la dhawro dadka dhib badani soo gaadhay ee ka soo cararay dagaaladda Yemen, waxaanay tidhi: “Marka hore waad mahad-san tihiin dhamaantiin sida aad noo soo ajiibteen codsigii-na aad nooga aqbasheen, walaalayaal waxa tababarkan uga faa’ideysanaynaa sidii walalaheenna badda mudada badan ku soo jiray ee ka soo cararay colaadda Yemen, colaadi waynu wada-garanaynaa dhibkeeddu ma sahlana, sidaas oo ay tahay waxa waajib inagu ah, inaynu kor u qaadno oo qalbi furan ku soo dhoweyno dadka soo barakacay Yemen”.

Waxa iyana hadalka iskaga kala danbeeyey laba sarkaal oo ku hadlay af-ka xukuumadda Somaliland kuwaas oo xusay in Somaliland Diyaar u tahay sidii loo soo dhoweyn lahaa walaalahooda dhibaataysan ee ka soo cararay dagaaladda Yemen, kuwaas oo kala ahaa La-Taliyaha Sharciga ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland Faysal Axmed Aw Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dib-u-dejinta Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, Sheekh Cabdillaahi Cabdi Shide.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.