WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 23, 2015 (Saxafi) – Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ka hadlay Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee Somaliland jooga, waxaanu sheegay in ilaa saddex kun oo qaxoonti muwaadiniin Yemeniyiin ahi ku sugan yihiin Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin daryeel la’aan la sheegay inay soo food saartay qaxoontiga Yemen ka soo cararay.

SomlegalAds

Wasiirka oo shalay u warmayey BBC-da ayaa sheegay in qaxooti badan dalka soo gaadheen, isla markaana intii soomaaliya ka socota deegaankooda la gaadhsiiyo wixii Yemeniin ah meelo loogu tallogalay la dajiyo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan  dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland, Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaadaa”

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in dadka Yemeniyiinta ah marka lagu soo dhaweeyay Berbera la siiyo kaadhka Qaxoontinimo, islamarkaana xukuumaddu wixii karaankeeda ah u qabato hay’addaha samafalka ee ku shaqo leh qaxoontigana ay ku dardaareen inay taakuleeyaan dadkaasi.

Wasiirku waxa uu ku dooday inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadkaasi haysta “Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ka hadlay Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee Somaliland jooga, waxaanu sheegay in ilaa saddex kun oo qaxoonti muwaadiniin Yemeniyiin ahi ku sugan yihiin Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin daryeel la’aan la sheegay inay soo food saartay qaxoontiga Yemen ka soo cararay.

Wasiirka oo shalay u warmayey BBC-da ayaa sheegay in qaxooti badan dalka soo gaadheen, isla markaana intii soomaaliya ka socota deegaankooda la gaadhsiiyo wixii Yemeniin ah meelo loogu tallogalay la dajiyo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Qaxoontigii wali waa socdaa, dagaalkii Yemen-na wali waa socdaa, todobaadkiiba dhawr goor bay yimaadaan  dekedda Berbera doonyaha iyo maraakiibta dadka qaxoontiga ah sida. Dadkaasi waxay iskugu jiraan dad u dhashay Somaliland, Somalia iyo dad Yemeniyiin ah iyo dad kale oo jinsiyado kale oo aan iyagu badnayn, mar walbana qaxoontigu wuu yimaadaa”

Wasiir Cali Siciid Raygal waxa uu sheegay in dadka Yemeniyiinta ah marka lagu soo dhaweeyay Berbera la siiyo kaadhka Qaxoontinimo, islamarkaana xukuumaddu wixii karaankeeda ah u qabato hay’addaha samafalka ee ku shaqo leh qaxoontigana ay ku dardaareen inay taakuleeyaan dadkaasi.

Wasiirku waxa uu ku dooday inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadkaasi haysta “Dadka Yemeniyiinta ah ee dalka joogaa waa ilaa lix boqol oo qoys oo tirada dadkoodu marka la isku geeyo ay noqonayso ilaa saddex kun oo qof” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.