WorldRemitAds

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa baahisay magaca iyo shaqadii uu qaban jiray, gacan ku dhiglihii khaarajiyay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyay, caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, Danjire Andrei Karlov.

Sida warbaahinta dalka Turkigu ku warantay, ninka dilkaas gaystay ayaa ka mid ahaa booliska la dagaalanka Rabshashada ee dalka Turkiga, kaas oo dhashay sanadkii 1994, laguna magacaabo Mawliid Mert Altintas, qoraal ahaan afka Turkiga ku noqonaysa sidan, (Mavlut Mert Altıntaş).

Ninkan ayaa sida la sheegay ciidamada la dagaalanka rabshadaha ee dalka Turkiga ku biiray sanadkii, 2014-kii, waxaanay da’diisu ahayd 26-jir, wax yar ka dib markii uu dilka gaystay ayay isaga laftiisa toogasho ku dileen ciidamada ammaanka ee dlaka Turkigu.

SomlegalAds

Dilkan lagu khaarajiyay safiirkii dalka Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga Ambassador Andrei Karlov, ayaa si wayn u gilgishay dunida, kuna soo beegantay xili xiisad wayni u dhaxayso reer galbeedka iyo Ruushka, taas oo ka dhalatay guusha Ruushka iyo taageerayaashiisu ka gaadheen dagaalka ka socday magaalada labaad ee ugu wayn dalka Suuriya ee Xalab, “Aleppo”.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa canbaareeyay dilka lagu khaarajiyay safiirkii Ruushka ee dlaka Turkiga u fadhiyay Andrei Karlov, waxa kale oo si wada jir ah uga hadlay labadda waddan ee Turkiga iyo Ruushka oo wada jir u cadeeyay in dhacdadani aanay waxba u dhimi doonin, xidhiidhka soo wanaagsananaya ee labada waddan u dhexeeya.

Mavlut Mert Altıntaş, ayaa markii uu toogtay Safiirka oo warbaahinta la hadlayay, cod dheer ku qayliyay, isaga oo ku dhawaaqaya Allaa Wayn, ka dibna sheegay inay talaabadani guul wayn iyo gargaar u noqon doonto shacabka dalka Suuriya ee dhibaatada Ruushku ku hayo.

Labada Madaxweyne Ee Turkiga iyo Ruushka Rajab Dayib Erdogan iyo Vladimir Putin ayaa weerarkan ku tilmaamay, mid cadowga labada waddan fuliyeen, loogana dan lahaa sidii loogu khalkhalin lahaa xidhiidhka Turkiga iyo Ruushka.

Waddamada Reer galbeedka oo muddooyinkii u danbeeyay, cadaadis ku hayay, waddamada Ruushka Iyo Turkiga ayaa u kala dheereeyay, canbaaraynta dilka lagu khaarajiyay Safiirkii Ruushka, waxaanay intooda badani tacsi rasmi ah u direen madaxweynaha iyo shacabka dalka Ruushka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.