WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 4, 2019 (Saxafi) – Khilaafkii ka dhaxeeyey labada gole ee baarlamaanka Somaliland ee guurtida iyo wakiilada ayaa kor u sii kacay.

Khilaafka labada gole oo salka ku haya xeerar ay ansixiyeen golaha wakiilladu oo aan la sii marin golaha guurtida ayaa haatan isla galay maxkamada dastuuriga ah ee ugu saraysa sharciyada dalka.

SomlegalAds

 Golaha guurtida Somaliland ayaana maxkamada dastuuriga ah u gudbiyey dacwada ka dhanka ah golaha wakiilada, iyaga oo sugaya jawaab sharci oo ay ka helaan maxkamada.

Xildhibaan Ilkacase oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay ee golahaasi ku faah faahiyey dacwada ay u gudbiyeen maxkamada dastuuriga ah.

Xildhibaan Ilkacase ayaa ugu horayn soo bandhigay halka uu salka ku hayo khilaafka labada aqal iyo dooda uu qabo golaha guurtidu “Labada gole waa xeer dejin oo isma hayaan dastuurkuna wuu cadeeyey balse hal qodob ayaa dhexyaala kaas oo qabyana ka ah xeer hoosaadka labada gole, qodobadaas laysku hayo waxa weeyaan oo ka mid ah in anagu(Golaha Guurtidu) aanu leenahay qodobka dastuuriga ah ee 113 aad kaas oo faraya in hay’ad kasta oo la curiyey in xeerka lagu aas aasay uu marayo labada aqal, xeer dhaqaale maaha xeer maaliyadeedna maaha, markaa isma haynee waxaynu u baanahay in qodobkaas ay maxkamada dastuuriga ahi fasirayso kaas oo xeer hoosaadka labada gole-na ka maqan.”

Sidoo kale xildhibaan Ilkacase ayaa sheegay inaanay golaha wakiillada ku haysan xeerarka maaliyadeed ee dastuurku gaarka uga dhigay “Markaa waxa la rabaa in maxkamadu tafsiir ka soo bixiso qodobkaasi nooca uu yahay lana fuliyo, kaas oo gali doona xeer hoosaadka labada gole waana qodobka qabyada ah labada aqal ka maqana waa kaas, waxaanan soo jeedinaynaa isma hayno oo labada gole way wada shaqeeyaan dastuurkuna si cad ayuu u sheegay, wixii maaliyad iyo miisaaniyad ah laguma haysto golaha wakiillada anaguna ma dajino tacriifadaha laakiin muhiimadu waxa weeyaan hay’addaha dawlada ee la curinayaa waa arin maamule aan sideeda marino anagana waxba na dhibi maayaane.”

Khilaafka labada aqal ee sharci dejinta Somaliland (Wakiilada Iyo Guurtida) ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey soo jiitamaye, waxaana haatan la dhawrayaa tafsiirka sharci ee ka soo baxa maxkamada dastuuriga ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.