WorldRemitAds

Khubaro caafimaad ayaa ku boorinaysa  waalidka In aanay marnaba kaga tagin caruurta yaryar oo hurda kuraasta baabuurta. Iyaddoo la ogaaday in tani halis caafimaad u leedahay caruurta oo gaadhsiisan geeri iyo inay neef qabatoobaan ka dib cilmi baadhis la sameeyay.

Waalidiinta oo looga digay inay carruurta ka tagaan baabuurtaWaxaa ay khuburadu ku talisay in Xataa marka la safrayo, si joogta ah loo hubiyo oo loola saxdo Ilmaha saran Baabuurka ee da’diisu yartahay.


Cilmi-baadhistan oo lagu sameeyay Maraykanka ayaa lagu ogaaday in ka badan 30 xaaladaha la darsa caruurta inay ee dhinaca neef-qabatowga iyo hurdada xun ay keenaan caruurta laga tago Baabuurta ee dhex seexata.

SomlegalAds

Baadhitaankan ayaa lagu daabacay The Journal of Pediatrics, waxaan sameysay khubaro ka tirsan Xarunta Caafimaadka ee Penn State, iyaddoo dib u eegis lagu sameeyay dhimashada caruurta ka yar labada sanadood ee dhacay inta u dhaxaysa Abril 2004 iyo December 2008. Waxaana khuburaddu ku doodaysaa in 46 caruur ah oo geeriyooday ay sababtay dhimashadooda arrintan gaadiidka lagaga dhex tagay.

Warbixintu waxaa ay sheegtay in caruurtu marmar isku dabto Baylka ku xidhan, marar kalena uu laabta ka qabto xadhigaasi ama afka iyo sankaba uu ka daboolo oo taasina keento naqaska oo ku xidhma.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.