WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 26, 2016 (Saxafi) – Wadahadalka xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo garabka Toosinta iyo Caddaaladda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, ayaa si rasmi ah uga bilaabay magaalada Hargeysa, kadib is-afgarad ay hore ugu gaadheen inay wadahadlaan.

Kulan bar-bilow u ahaa wadahadalka labada dhinac oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha Garabka Toosinta Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hadal soo dhawayn iyo mahadnaq ku wajahan siyaasiyiinta Garabka Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI ka jeediyey madasha.

SomlegalAds

Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ahaana Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee WADDANI Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax Dheere), ayaa isna ka mahadceliyey dareenka ay kala kulmeen xisbiga KULMIYE, “Si mug iyo miisaan leh baanu u wadahadlaynaa, wixii aannu ku heshiin doonana way soo bixi doontaa, waxaannuna ka mahadcelinaynaa sida sharafta leh ee Guddoomiyaha iyo dhammaanba madaxda xisbiga KULMIYE ay soo noo dhaweeyeen.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Caddaaladda WADDANI, ahaana Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad ee xisbigaasi Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inay rajo fiican ka filayaan natiijada ka soo bixi doonta wadahadalkan, “Si rasmi ah ayuu wadahadalku hadda u bilaabi doonaa, waxaannan Ilaahay ka rajaynayaa in si guul ah uu wadahadalkaasi noogu dhammaan doono, wixii ka soo baxana kolayba saxaafadduna goob-joog bay ka noqon doontaa, laakiin waxaannu rajaynaynaa in wadahadalka wax fiicani ka soo bixi doonaan oo qaranka Somaliland u dan ahi,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo soo dhaweeyey xubnaha Garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ayaa uga ka markhaati kacay in siyaasiyiinta ku jiraa yihiin tiir-dhexaadkii xisbiga WADDANI oo ay mabda’nimadu dhab ka ahayd.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.