WorldRemitAds

Dubai, UAE November 19, 2015 (Saxafi) – Warbixin uu qorey wargeyska Global research oo xaruntiisu ku taalo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dhawaan dawladda Eritrea ay heshiis la gashay dawladaha Sucuudi Arabiya, UAE iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururka Gulf Cooperation Council (GCC), waxaana nuxurka heshiiskaasi yahay in waddamada Carbeed ay isticmaalaan ama adeegsadaan saldhig ku yaal dalkan yar ee Geeska Afrika ka midka ah, kaasoo ay u isticmaalayaan isu socodka gaadiidka iyo saldhig saadka loo dhigo hawlgallada ay samayn doonaan ciidamaddoodu, iyo sidoo kale in la dejiyo 400 oo ka mid ah ciidamada madaafiicda ee ka dagaalama magaalada Caddan ee dalka Yemen.

Warbixintan ayaa sidoo kale ka warbixisay qorshe ay dowladda UAE ku doonayso isticmaalka dekeda Berbera ee dalka Somaliland, waxana ay warbixintu u qornayd sidan; “Dalka Sucuudiga iyo waddamada Carbeed ee ay xulufada yihiin ayaa qorshaynaya saldhig ay ku yeeshaan meel kaabiga u saaran dalka Yemen si ay u awooddaan gacan ku sii haynta dhulka ay haystaan sida Cadan, una wadda qabtaan dalka oo dhan. Sidoo kale, waxaa ay doonayaan inay gobolka geeska ka maamulaan qaybo ka mid ah hawlahoodda sirdoonka. Waa fursad ay ka faa’iidaysan karaan madaama ay dalal badan oo ka mid ah dunidu ay ku leeyihiin saldhigyo military wakhti xaadirkan geeska Afrika.

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa haatan ku leh saldhigyo ciidamadda badda ah dalka Eritrea sida lagu baahiyay shabakadda wararka ee South Front. Waxa kalle oo ay rajeynaysaa dawladda Imaaraatka Carabtu in ay ka furato saldhig military oo ciidamadda badda ah magaalo xeebeedka Berbera oo ku taala dal gooni isu taagay oo la yidhaa Somaliland.

SomlegalAds

Isbahaysiga Carabta iyo Saldhigga Milateri ee BerberaCiidamadda Maraykanka iyo Faransiiska ayaa saldhigyo military ku leh dalka Djibouti, laakiinse waxa ku soo biiray dalka Jaban sannadkii 2011, isaga oo ka sameystay Djibouti saldhigii ugu horeeyay ee dibadeed ee uu yeesho Jabaanku wixii ka danbeeyay dagaalkii adduunka ee labaad. Saldhigan ayuu furay ka dib markii la sameeyey isbahaysiga la dagaalanka budhcad badeeda, taas oo keentay inay ciidamo ku yeeshaan dalalka dibada. Sidoo kalena, waxa la filayaa in ay dalka Shiinuhu saldhig military ku yeesho Djibouti. Iyaddoo hore loo shaaciyay in heshiiskaasi uu dhacay.

Dawladaha Shiinaha iyo Djibouti oo xidhiidh ganacsi iyo mid mashaariiceed oo horumarinta ahi ka dhexeeyo ayaa haddii saldhigani hirgallo waxaa uu damaanad qaadayaa mashaariicda ay dowlada Shiinuhu dhaqaalaha badan gelisay ee ay ka fulinayso gudaha dalka Djibouti, waxana ka mid ah mashaariicdaasi sida dhismaha wadada tareenka iyo dhismaha xarunta ururka Midowga Afrika oo u sahlaya in dalkan Djibouti dhaqaalihiisu u koro si xawli ah. ”

In kasta oo warbixintu sidaas tidhi, haddana xukuumadda Somaliland ilaa hadda si faahfaahsan uma ay shaacin mashruucan saldhiga ciidan lagaga doonayo Berbera iyo nooca heshiiska qorshaha ku jira midna.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in wefti ka socda dawladda Imaaraadka Carabta oo ay weheliyaan Saraakiil Milateri oo ka tirsan wadamada kale ee Gacanka Carbeed, ay ku sugan yihin magaalada Berbera, halkaas oo sida la sheegay ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo oo isagu safar aan hore loo sii shaacin shalay ku tegay magaalo-xeebeeda Berbera.

Inkastoo aanay Madaxtooyadu sheegin in safar Madaxweynaha ee Berbera ku lug leeyihin wufuud dawladdo carbeed ka socda oo uu halkaas kula kulmayo, hadda waxay warar dhinacyo kala duwan laga helay xuseen in weftiga Carbeed iyo Madaxweynuhu ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan Saldhigga ay waddamada Gaashaanbuurta isugu bahaystay dagaalka Xuutiyiinta Yemen ka doonayaan inay ka dhigtaan magaalada Berbera, iyadoo sida la ogyahay magaalada Berbera hore saldhigyo milateri ugu soo ahaan jirtay dalalka waaweyn ee Ruushka iyo Maraykanka xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.