WorldRemitAds

Amb.Rashiid Gaaruf

Akhristow waxan maqaalkan kugula wadaagayaa inaan ku tusaaleeyo  sida danta qaranku ugu jirto in aynu ka kirayno dawlada Imaaraadka Airportka Berbera. Si marka aad aragto kuwa ka soo horjeeda aad u kala garato inay yihiin kuwo been sheegaya oo shakhsi nacayb ku jiro, kuwo been sheegaya oo siyaasad uga dan leh, iyo qaar saddexaad oo aqoon la’aani hayso oo dacaayada run mooda oo sii sheega.

Dhismaha iyo Xoogaynta Qaranimada Somaliland iyo Ictiraaf Raadinta:

SomlegalAds

Siyasada Arrimaha Dibada ee Madaxwayne  Silaanyo waxa ka mida in qaranka Somaliland yeesho  waddamo badan oo aynu nahay saaxiib oo kala jooga Africa (sida Ethiopia), Carabta (sida Imaaraadka), iyo dawladaha reer Galbeedkaba (sida Ingiriiska). Maanta heshiiskan Airporka Berbera wuxu inoo samaynayaa saaxiib cusub oo aynu ku yeelano waddamada Carabta. Taas oo aan hore inoogu suurto gelin 25kii sannadood ee qarankeenu jiray.

rashiid-gaarufSaaxiibkan cusub oo u dhigmi doona kii Ethiopia oo kale.Dhibaata ugu wayn ee hortaagan ictiraafkeena waxa weeye in aynaan haysan dawlad caalamku aqoonsan yahay oo danteeda inaga dhex aragta inay ina aqoonsato. Marka UAE ay maalgashato dekeda Berbera 500 oo milyan oo dollar, kumanaan ciidamo ahna keento Airportka Berbera, Maaliyiin kalena ku kharash-garayso sannadkasta ciidamada Somaliland jooga, dawlada UAE ogolaanmayso inay dhibaato soo gaadho Somaliland, xidhiidhkaa iyo saaxiibtinadaa cusubi inuu gaadho heer uu inoo dhalo ictiraaf ayaynu ku rajo waynahay oo waajib inagu wada ah inaynu ka shaqayno. Nimanka maanta ku doodaya madaarka aan dhaafsanno ictiraaf ujeedadoodu ma khaldana, laakiin daacad ayaanay ka ahayn, xidhiidh kastaa mid shaqsi iyo dawladeedba wuxu u baahan yahay inuu koro oo gaadho xeer sarre si waxtarkiisuna u gaadho heerka ugu sareeya, qofka yidhaahda xidhiidhku maalintu bilaabmo aan gaadho waxtarkiisa halkii ugu saraysay, waa qof aan daacad ka ahayn wuxu sheegaayo, oo saddexdii aan korka ku soo sheegay ayuun buu midkood noqonayaa. UAE waxay noqonaysaa dawlad labaad oo ay saaxiib nahay oo caalamka ka mida oo maalgashi wanaagsan ku samaysata Somaliland hadhowna danteeda ka dhex aragta Somaliland oo nabadgalyadeena lexejeclo ka hayso si ay u illaashato maalgashigeeda.

Waxtarka Dhinaca Nabad Gelyada Somaliland

Maanta waxa aan shaki ku jirin saaxiibtinimada inaga dhaxaysa Ethiopia inay wax badan ku soo kordhisay nabad gelyada Somaliland. Ciidamada qaranka Somaliland waxay tababarka ku soo qaataan Ethiopia, hubka aynu waddanka ku difaacno intiisa badan waxa laga soo iibiyaa Ethiopia, waxa inaga dhexeeya heshiis gaara inaynu nabada ka wada shaqayno, waa tii aad ogaydeen Prime Ministerka Ethiopia markii uu qudbada u jeedinayay barlamaankooda wuxu jidhi cidii ku xadgudubta nabada Somaliland waa cid ku xadgudubtay nabada Ethiopia. Saaxiibtinimadu waa taa faiidada ay keento dhicana nabad gelyada. Maanta saaxiibtinimada cusub ee Imaaraadka inooga soo kordhaysaa waxay sii xoojinaysaa nabad gelyadeenii, waxay ina siinaynaa fursad labaad oo ciidankeenu ku helo tababar, ku helo meel aynu ka soo iibsano hubka lagu difaacayo waddanka. In xataa policekeenu helo tababar fiican. Waxaa intaa soo raaca inaynu galo heshiis nabad gelyo oo sirdoonkeenu wada shaqeeyo. Qofka ku doodaya nabada xumaanaysa waa qof ka baqaya inuu go’aanka ku dhiirado oo baqdin ku jirto, laakiin nabad gelyo darro meesha ma taalo, wax waliba khatar bay leeyihiin, waxan ku odhan karaa berito ha tegin shaqadaadii waayo waxa laga yaabaa inuu gaadhi kugu jiidho magaalada. Kuwa nabad gelyo darada sheegayaa waxay ku leeyihiin berito Somaliland yaanay shaqo tegin yaan gaadhi jiidhine.

Waxtarka Dhinaca Dhaqaalaha Somaliland

Marka aad ka tiriso ee aad isku darto: lacagta ay ku kiraysanayaan Airportka, dhismayaasha iyo qalabaynta ay Airportka Berbera ku samaynayaan, shaqaalaha Somaliland ee ay qoranayaan, waxay cunayaan iyo waxay cabayaan ee magaalada ay ka iibsanayaan, waxay dhisanayaan ee magaalada ay ka iibsanayaan, iyo caawimada ay deegaanka jaarka ay la yihiin u fidinayaan; waxa halkaa ka soo baxaya in xeradan ciidanka ee laga samaynayo Airportka Berbera ay noqonayso mid ku soo kordhisa dhaqaalaha Somaliland boqolaal million oo dollar. Dhaqaalahaas oo korodhkiisa laga dareemi doono dhamaan Somaliland. Waxa intaa soo raaca oo aad muhiim u ah, maanta xoolaheena waxa iibsada oo keliya dawlada Sucuudiga, berito waxa inoo suurto gal noqonaysa in xoolaheena si sharci ah loogu dhoofiyo dawlada Imaaraadka oo xoolahiinii ay helaan suuq labaad oo aynu u iib geyno. Waxa suurto gal ah inaynu Banka Somaliland uga samayno xidhiidh wanaagsan Bangiyada caalamiga ah ee ku yaala Dubai iyo Imaaraadka, oo dhaqaaleheenu ku xidhmo caalamka oo dhan. Marka lagu daro dekedii Berbera oo Dubai World maamulayso dhaqaalaheenu wuxu ku xidhmo dhaqaalaha Imaaraadka iyo caalamka. Somaliland waxay ku maahmaahdaa dameertaydii baa nin geel leh in dhex gashay.

Waxtarka Dhinaca Diblomaasiyadeed iyo Siyaasada Caalamka Muslimka

Waxan kor ku soo sheegay in Ethiopia tahay saaxiibkeena ugu culus. Waxan arkhristoow ku xasuusinayaa bishii April 1988kii, iyada oo saaxiibka ugu culus ee SNM lahayd uu ahaa Ethiopia, ayay maalin keliya Ethiopia danteedii ka dhex aragtay inay Somalia la heshiiso, sidii aad ogayd ama aad maqashay waa tii subax qudha Ethiopia u yeedhay Madaxwayne Ahmed Silanyo oo markaa ahaa Chairmanka SNM oo ku tidhi gudaha Ethiopia soo gala, dagaal dambe oo aad Somalia ku qaadaysaana ma jiro ee halkaasu ku joogsaday. Waxan uga jeedaa saaxiibtimada siyaasada iyo diblomaasiyada wax xukuma danta labada wadan kala leeyihiin. Somaliland arrinkaa April 1988kii dhacay wuxu ina baray cashar aad iyo aad  qaali inoogu ah, kaas oo ah inaynu mar walba xasuusnaano saaxiibtimadeena Ethiopia waa mid ku salaysan danta labada wadan kala leeyihiin. Iyagana maanta dantooda ku jirta inay inala saaxiibaan inagana danteenaa ku jirta. Mid ay axsaan aynu isugu samaynayno maaha. Ninka reer Somaliland ee caabaadaaya ee leh Ethiopia ayaa inaga tegaysa, waa qof aan isku kalsoonayn oo garanaynin in Ethiopia danteeda inoogula joogto ee aanay saaxiibtinimo inoogula joogin, inagana ay sidaasoo kale aynu nahay oo danta aynu ku qabno aynu kula joogno. Saaxiibtinimada cusub ee aynu maanta la yeelanayno Imaaraadka waxay dawo ka tahay in aanay mar kale inagu dhicin wixii inagu dhacay April 1988, oo hadii isha keliya inaga bakhtido aynu lahaano il labaad iyo mid saddexaadoo aynu isku halayno haddii taasu inagu dhacdo mar dambe.

Waxa intaa soo raaca maanta gobolka Carabta iyo caalamka muslimka waxa ka dhex jira tartan iyo loolan, iyada loo kala qaybsamay dawladaha Sunniga iyo kuwa Shiicada. Maanta inaga danta qarankeenu waxay ku jirtaa inaynu taageerno caalamka Sunniga ah sida Imaaraadka, Sucuudiga iwm. Maanta inagu wax dan ah oo inaga dhexeeya Iran iyo dawladaha shiicada ma jirto. Waxa danteenu ku jirtaa dawladaha Sunniga sida Dawlada Sucuudiga oo iibsata xoolaha Somaliland laga dhoofiyo. Haddaad tidhaahdo waxan noqonayaa dhexdhexaad Sucuudigu waxay xaq u yeelanayaan inay yidhaahdaan Somaliland hadday na diiday Somaliya ayaanu xoolaha ka iibsanaynaa. Taasu inaga khasaare wayn ayay inagu noqonaysaa. Sidaa daraadeed maanta danteenu waxay ku jirtaa inaynu raacno dawladaha Sunniga ah oo diintana aynu wadaagno, dhaqaale aynu wadaagno, inaynu siyaasada caalamkana wadaagno. Imaaraadku wuxu inoo samayn karaa inuu taageero siyaasadeed ina siiyo oo yidhaahdo passportka Somaliland waa lagu tegi karaa UAE oo lagu qaadan karaa vise iyo ciqaamada. Wuxu inagu siin karaa sida Ethiopia xidhiidh ku dhow aqoonsi, iyo inuu aqoonsigaba inoo gaadhsiiyo marka xidhiidhku koro. Haddii aynu diidmo ugu jawaabno waxa suurto gal ah in cadaadis diblomaasiyadeed inagaga yimaado. Diidmada iyo yeelistu labaduba waxay leeyihiin khasaare iyo faaiido.

Waxtarka Dhinaca Dhismaha Airportka Berbera iyo Deegaankal laga samayn doono

Sida aad ka warhaysid Airportka Berbera waxa dhisay Ruush oo waxa uga dambeeyay Maraykan. Imika haddii UAE ay sii dhisto oo dhismayaal waa wayn iyo qalabayn xoog ah ku sii darto, berito marka ay tagto waxay uga tegaysaa dhismayaashaa waa qaranka Somaliland. Markaa imaatinka ay UAE imanaysaa wuxu inoo keenayaa uun in dhulkeenii iyo madaarkeenu sii dhismo. Waxay kaloo inoo keenaysaa in deegaanka Berbera oo ka helo xanaano dheeraada dawlada UAE, sida in laydhka Berbera oo maanta afar nin oo baayac mushtar ah gacanta ugu jira loo kordhiyo oo magaaladu hesho laydh ku filay oo jaban.

Gebogebo:

Akhristow halkan waxan kugula wadaagay inta meelood ee waxtar qarankeena ka soo gaadhayo haddii aynu ogolaano in dawlada imaaraadka UAE ay soo degto Airportka Berbera; waxaa ka mida Dhismaha qaranimada Somaliland iyo ictiraaf raadinta, waxa ka mida xoogaynta nabadgelyada, waxa ka mida waxtarka dhaqaalaha, waxaa ka mida inaynu yeelo saaxiiba cusub oo lacag haysta oo diyaar u ah inuu maal gashado Somaliland, oo dantiisa ay ku jirto inuu lexejeclo u yeesho nabadgelyada Somaliland. Waxa kale oo waajib ah in aynu la gorgortano oo cadkeena soo goosano. Laakiin inaynu dadkeena ka bajino oo nidhaahdo belaayo ayaa dhacaysa, dhibaato ayaa ina soo gaadhaysa, xamar baa lug ku leh iyo been fara badan oo ama shaqsi nacayb ku salaysan ama siyaasad ku salaysan, taas maanta dadkeena iyo dalkeena toona dantiisu kuma jirto. Waxan shicibka Somaliland kula dardaarmayaa in ay kala bartaan qofka runta u sheegaya iyo ka dan gaara leh ee shaqsi nacayd iyo siyaasad hoosta ku wata. Waxan kula dardaarmayaa inay danta guud iyo danta qaran mar walba taageeraan oo iska illaaliyaan kuwa hoosta ku wata danta gaarka ah.

Rashiid Gaaruf
Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.