WorldRemitAds
Muqdisho, Soomaaliya, December 7, 2015 (Saxafi) – Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inay ku tallo jiraan sidii maxkamada caalamiga ah ee ICC ay xafiis uga furan lahayd Somalia, si loo helo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala Somalia.

Afeey oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in haddii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Somalia in aanay dhici laheyn in maalin walba shacabka la xasuuqo.
Maxamed Cabdi Afeey“Haddii la heli lahaa in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay si toos ah u fara-geliso Somalia, nin dagaal abaabula oo shacabkiisa u laaya sidan oo kale ma dhici lahayn. Sidoo kale haddaan sida madaxda kale ee Afrika ciqaabta loo mariyo aan loo arin kuwa Somalia ma joogsanayso in dadka la iska xasuuqo,” ayuu yidhi Afeey.
Sidoo kale, danjire Afey ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haddii horay loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Somalia aanay sii socon laheyn dhibaatooyinka mararka qaar soo laabta.
Danjire Afeey wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Somalia, isla markaana baadhitaan joogto ah u sameyso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas maxkamad la soo taago.
Ergayga IGAD ee Soamila ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga bilaabo baadhi-taanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay, marka shacabka magaalada deggen ay heshiiyaan.
Waxaa la weydiiyay danjire Afeey heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqan-gelin karo, wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qoto-dheer laga dhex sameeyo shacabka, si aanay u soo noqon dhibaato kale.
“Markii aan tagnay Gaalkacyo waxaan kusoo aragnay ciidamo hubka tayo leh haysta, waxaa is-weydiinay sababta ciidammo ka socda dalalka deriska iyo AMISOM u joogaan Somalia, iyadoo ciidammo iyo hubkaas inta la’eg haysato ay Somalia joogaan… aniga waxaa is leeyahay hubka tayadaas leh waxay ku difaaci karaan dalkooda, Al-shabaab iyo cadawgooda iyagaa ku filan,” ayuu yidhi Afeey.
Ugu dambeyn, ergeyga IGAD ee arrimaha Somalia ayaa ka mid ahaa xubnihii ka socday Beesha Caalamka ee ka qayb-qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu dhex-dhexaadinayay maamullada Puntland iyo Galmudug.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.